Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ra’yiga Dadweynaha:Waxaan Kula Talin Lahaa Ganacsatada DDSI ee Leh Warshadaha Sifaynta Biyaha in Maalinta Xuska Hidhar 29 In ay Caagadaha Biyaha Ku soo Dhajiyaan Astaamaha Calanka iyo Dhaqanka Deegaankeena.

Diredawe(CakaaraOpinion) Isniin Seot,30,2013.Waxaan kula talin lahaa Dhamaanba Ganacsatada ka soo jeeda DDSI ee warshadaha Sifaynta Biyaha ku leh Diredawa,Jigjiga iyo Dhagaxleba in ay Caagadaha Biyaha ee ay soo saaraan bacda kaga xidhan Dhexda caagadaha ee ay ku qoran tahay Magacyada Shirkada in Maalinta Qaran ee Xuska 8aad ee Qowmiyadaha Hidar 29 Awgeed ugu soo badalaan Calaamadahooda Bacda Dhexda Caagada ku Qoran Sawiro Muujinaya Agab-dhaqameedka Soomaalida Itoobiya,Calanka DDSI,Sawirka Madaxweynaheena iyo sawirada taariikhda DDSI.

Ganacsatada leh Warshadaha Sifaynta Biyaha ee ka soo jeeda DDSI waxaan ku boorinayaa in ay Maalinta qaran ee Taariikhiga u ah Shacabweynaha DDSI in ay Doorkooda kaga Qaataan Muujinta Dhaqanka aynu asalka u leenahay,Calankeena sugay dhamaanba Xuquuqaheenii Qowmiyadeed ee Dastuuriga ahaa iyo Madaxwaynaheena Mudo gaaban Wakhtigiisa,Maskaxdiisa iyo Awoodiisaba isugu geeyay sidii uu Inooga Gudbin lahaa Magacii Dibu-dhaceed ee La inagu tilmaami jiray Deegaanada Dibu-dhacay,Maantana waxaaba la saadaalinayaa in Mudo kooban hadii sidan aynu ku sii socono in aynu Haaban Doono Wadamada Dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.

Anigoo ah Catoosh Aadan waxaan ku soo gunaanadayaa Ganacsatadu ha u Guntadaan Muujinta Doorkooda wadaniyadeed ee kaga aadan Xuska Hidar 29.