Shacabka iyo xukuumada DDSI oo Wadajir Diyaar-garowgii ugu Danbeeyay ugu jira Xuska 8aad ee maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo walaalnimada Shucuubta.

Jigjiga(CakaaraNews) Talaado Oct,01,2013.Si loo xaqiijiyo xuquuqaha iyo dimuqoraadiyada qoomiyadaha, shucuubaha iyo dadwayga kala duwan ee ku nool dalka itoobiya ayaa ay jamuuriyada dimuqoraadiga faderaalka itoobiya ayaa ka sakow halgankii Qadhaadhaa ee ay EPRDF xukunka kaga tuurtay kaligii taliyihii Mingistu,waxay hirgalisay shaqooyin badan oo dhaxalgal muhiim u ah dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya waxaana ka mid ah xuska maalinta qoomiyadaha, shucuubta iyo dadwayga dalka itoobiya oo sanad walba hal mar la xuso 29ka Bisha Hidaar. Ka sakow qiimaha ay dalkeena ugu fadhido munaasabadani waxay siwayn uga marag kacaysaa ahmiyada balaadhan ee ay DDFI siisay qoomiyadaha,shucuubaha iyo dadwayga itooobiya.

Maalintan ayaa ah xus Qadarin mudan oo lagu soo bandhigo quruxda iyo haybada ku jirta kala duwanaanshaha dadyawga ku nool dalkeena itoobiya. Haddaba xuskii 7aad ee Hidar 29 ee Sanadkii tegay lagu Qabtay Caasimada Dawlad-Deegaanka Amhara ayaa ay lagu masuuliyiinta ugu saraysa DDFI waxay ku go'aamiyeen in xuska 8aad lagu qabto xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga ka dib markii ay guud ahaanba DFI iyo 9ka Deegaanada ay ka marag kaceen isbedelada iyo Kobaca horumarineed ee sida xawliga ah muddo yar ay xukuumada maanta jirtaa ka taabogalisay Deegaanka Soomaalida,sidoo kalana Nabadgalyada saldhigtay ee kalsooni buuxda galisay Guud ahaanba Dalka.

Haddaba si loo xaqiijiyo in ay maalinta xuska Midnimada qoomiyadaha iyo walaalnimada shucuubta dalka itoobiya ee lagu xusayo xarunta deegaanka Soomaalida markii 8aad ee ka dhici doona magaalada jigjiga bisha fooda inagu soo haysa Ayaa xukuumada iyo shacabka DDSI waxay markiiba si Wadajir ah Guntiga ugu xidheen diyaar-garaw aad u balaadhan oo aanan daqiiqad sal-mugii loo fadhiisan iyada oo markiiba la bilaabay Mashaariico kala duduwan kuwaasaoo isugu jiray,dhismayaal kala duduwan oo casri ah soona jiitay indhaha DFI sida guryaha casriga (guest house) oo loogu tala galay soo dhawaynta martida iyo ergooyinka,dhismaha Hoolka Shirka iyo dayactirka Garoonka Kubada Cagta Jigjiga yadoona dhamaan dhismayaashaasi hada la dhamays tiray(ebyay) amakaagna ku noqotay Golaha Federationka DFI Tayada dhismayaasha iyo Mudada yar ee ay xukuumada DDSI ku dhamaystirtay laguna Amaanay DDSI Heerka waxqabadka iyo ka go'naanshahooda.

Akhristoow Hadaba Gundhiga iyo Nuxurka Maanta uu ka lahaa Wariyaha CakaaraNews in ay Gudboon tahay in uu Macaamiishiisa Jecel daalacashada Wararka Xaqiiqda ku salaysan ee Mareegtan uu u soo bandhigo ka sakow Diyaargarawga balaadhan ee ka socda Magaalada Jigjiga Goob loogu magacdaray Goobta taariikhiga ah ee lagu Magacaabo KALI kuna Taal Degmada Dhanaan ay Gebo-gebo ku sii dhaw yihiin Dhismaha in ka badan 2500 Aqal- soomaaliga ay Dhaqanka Soo jireenka ah u leedahay Qowmiyada Soomaalidu.

Guryaha Aqal-soomaaliga astaanta u ah dhaqanka soomaalida ayaa laga dhex dhisay Gudaha Barxada wayn ee xarunta madaxtooyada DDSI iyadoona Guryahan loogu tala galay Muujinta Ahmiyada Dhaqanka Deegaanka iyo ku soo dhawaynta Ergooyinka iyo Marti-sharafta ka soo qayb gali doonta xuska 8aad ee maalinta qoomiyadaha iyo Shucuubta ka dhici doona Hidar 29 magaalada jigjiga.

Wariyaha ayaa waxa uu intaa ku daray in markii uu saaka booqday Goobta ay ka socdaan Dhismayaasha Aqalada laba-daryaalaha Muunada u ah Dhaqanka soomaalida uu kula kulmay Gudoomiyaha Gudiga u xilsaaran Hawshan oo ah kuxigeenka xafiiska madaxtooyada marwo Fardawsa mataan cabdi,halka Haween aad u fara badan oo Aqalada gacanta ku hayay ay kooxdiiba isku jiibinayeen Maansooyinkii Dumarku ay ku luqayn jireen xiliyada Aqalka lagu guusayo amaba Hararada iyo Aloolka lagu samayn jiray taasooy uga gol-leeyihiin in aynan Dareemin Caajis iyo daal.

marwo fardawsa Mataan Cabdi ayaa warbixin dheer ka siisay wariyaha halka ay marayaan dhamaystirka guryahani waxayna sheegtay in ay ka mid yihiin guryahani kuwa si wayn loogu diyaar garoobayo xuska maalinta qoomiyadaha.

Marwo fardawsa oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tidhi,sidaan wada ogsoonahay waxaa fooda inagu soo haya xuska maalinta qoomiyadaha oo ah maalin ahmiyad balaadhan ugu fadhida dhamaana shacabka iyo xukuumada DDSI,waana maalin muujinaysa ka sakow dalka isbedelada horumarka,Kobaca Dhaqaale,Maamulka Saxar-tiran iyo xasiloonida ka hirgashay DDSI sidoo kalana tidhi qoomiyada soomalida oo ah mid facwayn u leh dhaqanka iyo hidaha aad u qurux badan waxay siwayn iskugu raaceen in ay maalintaasi qoomiyadaha iyo shubuubta dalka itoobiya ku soo bandhigaan dhamaanba Agabka Hidaha iyo Dhaqanka ee Soojireenka ah.

Sidoo kale waxa ay sheegay wasiir ku xigeenku in ay qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya siwayn ugu bogeen dhaqanka iyo hidaha uu illahay ku manaystay DDSI ka dib markii ay socdaal dheer ku soo mareen waftigii iskugu jiray masuuliyiinta,qoraayasha,farshaxamaystayaasha iyo suxufiyeenta dalka itoobiya gobolo badan oo ka mid ah DDSI kuwaasi oo ku shaaciyay aragtidooda ku aadan dhaqanka deegaanka soomalida xafladdii loogu magac daray habeenka bandhiga kali ee lagu qabtay Sheraton huteel.

Waxaa kale oo ay tibaaxday marwo fardawsa in guryahan dhismahooda ay ka qayb qaadanayaan dhamaanba degmooyinka ismaamulada iyo gobolada ay ka kooban tahay DDSI iyada oo degmo waliba iyo gobolkastaa uu dhinac u gaar ah ku soo bandhigayo Aqal-dhaqameedka u gaar ka ah