Kulan balaadhan oo Ka Dhacay Stockholm iyo Kuxigeenka Arimaha Dibada DFI iyo Ambasadorada Cusub ee DFI u fadhiyi Doonta wadamada Scandinevianka oo Ka Qaybgalay.

Stockholm(CakaaraNews) Talaado Oct,01,2013. Wafti heer sare ah oo uu hogaaminyo wasiirka Ku-xigeenka wasaarada Arimaha Dibada DFI H.E Ambassador Berhane Gebre-christos oo ay wehelinayeen masuuliyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin Ambassador Grum Abay iyo safiirada cusub ee wadamada Scandinevianka Ambassador Woinshet Tadesse ayaa waxa ay layeesheen kulan balaadhan oo si fiican loo soo agaasimay,iyadoona ay shirkan ka soo qayb-galeen Dhamaanba Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Deegaan ee ay DFI ka kooban tahay qaybahooda kala duduwan iyadoona ay si gaar ahna uga dhex-muuqdeen Qurbajoogta DDSI.

Wasiir ku-xigeenka oo xogbalaadhan oo dhan walba taabanaysa ka bixiyay Jihooyinka Horumar,Dimoqraadiyad,siyaasadeed ee DFI ayaa waxa uu si qoto-dheer uga waramay xaalada wakhtigan uu dalku marayo isaga oo si habsan barbar-dhig ugu sameeyay halkuu wadanku taagnaa 22 sano ka hor ahaa taagnaa iyo wakhtigan xaadirka ah iyo himilda dheer ee wadanku higsanayo sanadaha soo socda.

Mr Berhane Waxa uu si fiican carabka ugu dhuftay horumarka balaadhan ee wadanku uu ka gaadhay dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha,arimaha bulshada,nabadgaliyada iyo maamulka suuban ee guud ahaan wadanka ka hana qaaday.sidoo kale guulaha uu wadanku ka gaadhay hirgalinta biyo-xidheenka weyn ee Abay,abuurida daris-wanaaga iyo xasilinta wadamada dhibaatooyinku ka jiraan iyadoona ay DFI hiil iyo hooba la garab taagantahay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka haysta wadanada Afrika ayuu yidhi. Dhanka kale Waxaa xusid mudan in uu wasiirku ku-xigeenku aad ugu dheeraaday Horumarka iyo isbedelada xawliga ah ee mudo gaaban ka taabogalay Deegaanka Soomaalida Itoobiya,tusaale lagu daydana uga dhigay hanaanka hogaamineed ee ka hana-qaaday DDSI ee uu hogaaminayo H.E Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo noqday mid lagaga daydo siday xukuumada jirtaa maanta mudo yar ugu guulaystay inay wax aan la qiyaasi Karin ka qabato sugida nabadgaliyada, la-dagaalanka saboolnimada,horumarka,Xidhiidhka Dibada iyo maamulka-suuban arimahaas oo ah si sifooyinka umadi ku gaadho isku filaansho ayuu yidhi Mr Berhanu.

Wasiir ku-xigeenka Arimaha Dibada DFI ayaa hadalkiisii ku soo gunaanaday Waxa tusaale inoogu fagaarihii Qiimaha iyo qaayaha badnaa ee bishii hore lagu qabtay Shereton Hotel laguna soo bandhigay waxyaabo balaadhan oo runtii soo jiidatay indhaha caalamka iyo dalkaba ayuu yidhi.

Sidoo kale waxaa iyaguna ka hadlay Ambasadorka cusub ee wadamada scandinevianka loo soo magacaabay Woinshet Tadesse iyo Qaar ka mida Qurbajoogta,iyadoona ay ambasadorada cusub balanqaaday in ay Jaaliyaadka iyo qurbajoogta xidhiidh wanaagsan la yeelan doonto,islamarkaana talooyinkooda qaadan doonto.