Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ra'yiga Dadweynaha Deegaanka

Jigjiga(Cakaarara'yi)waxaa Email noo soo diray shaksi magaciisa ku soo koobay Abdi.Mulla oo aragtidiisa ku cabiray laba qodob oo ula qumanaaday in ay haboonaan lahayd hadii wax laga qabto,hadaba A.Mulla ayaa ay u Qornayd emailka uu noo soo diray sidan:- Salaan sare bahda warbaahinta CakaaraNews iyo Maamulkeedaba iyo weliba Mas'uuliyiinta sare ee xukuumada,hawlwadeenada qabanqaabada xuska hidar 29, ciidamada Geesiyiinta ah ee Liyuu Boliska iyo Qaybaha Bulshada ee sida wanaagsan u fikira iyo guud ahaan Xukuumada DDSI ee uu hogganka u hayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Ra'yi:-Waxaan kula talinlahaa kana codsnayaa maamulka magaalada Jigjiga iyo duqa Caasimadda DDSI inay ku ekaan qorxinta waddooyinka waaweyn ee magaalada hawlahooda u diyaar garowga maalinta xuska qowmiyada Itoobiya ay ku Qaramoobeen ee Dhidibada u taagtay Sinaanta,cadaalada,wadanoolaanshaha.

1. Waa in qaybaha tobanka xaafadood ee ay ka kooban tahay Magaalada Jigjiga hoos loo eegaa waddooyinka dhex mara ee aan Cobbll-estone ama laamiga ahayn ee ay roobabkii gu'gan da'ay ay jeex-jeexyada iyo faraaqyaha u yeeleen daadadkii maray sida xaafadda 7aad,4aad iyo ta 6aad oo dhib weyn ka haystaan isu-gooshida gaadiidka dadweynaha ee yaryar - Bajaajyada.

Isku soo wada Soohoo Abdi Mula oo 2 qodob soo qoray waxaanu soo daabacnay kaliya Qodobka 1aad oo aanu macquul u aragnay halka Qodobka 2aadna uu ahaa Hab xayaysiis ah oo nala qumanaan waayay in aanu soo daabacno waayo Hindisaheenu Waa ka go'naanshaha yagleelidawaxqabad muuqda oo aynu Bulshadeena u horseedno Magacna aynaan ku doonayn Maadaama ay tahay Waajibaad Qaran oo Shakhsi kasta saaran. Balanteenu Waa Shaqo.