Kulan loogu diyaar Garoobayay Nidaamka Jawiga Haboon ee Qaabilaada Madaxda iyo Martida xuska 8aad ee Maalinta Qowmiyadaha Hidar 29 ee ka Dhici Doonta Magaalada jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce oct 04,2013.Waxaan la iska indho-saabi Karin in ay qowmiyadaha iyo shucuubta walaalaha ah ee Dalka itoobiya in ay soo haysan jirtay Cadaadis ba’an,Cabudhis,Dibu-dhac iyo Xaqiraada Dhamaanba Xuquuqihii Qowmiyadeed ee ay lahaayeen ka hor saxansaxadii iyo neecawda Dimoqraadiyadeed ee ka curtay halgankii Qadhaadhaa ee ay EPRDF xukunka kaga tureen Taliskii Faashiistiga ahaa ee Mingistu Hayle mariam,iyadoona ay wadar ahaanba Shucuubta iyo qowmiyadaha Dalku ka baxeen kala qoqobnaantii talisyadu jideeyeen,isxaqiraadii,sad-bursigii iyo Irdhadii,islamarkaana ay Dhibatada u taagtay Sinaantii,Cadaaladii,Xuquuqda dastuuriga ah ee Qowmiyadaha,isjacaylka iyo Midnimada Qowmiyadaha Maalinta Hidar 29 oo loo aqoonsaday Midhihii Qowmiyadaha iyo shucuubtu iskaga dulqaadeen Heeryadii iyo hagardaamadii Mingistu.

Haddaba waa mid mudan Qadarin iyo Maamuus Qarameed Xuska maalinta Hidar 29,iyadoona Xukuumada DDSI iyo Shacabka Soomaalida Itoobiya oo wadajiraa Diyaargaraw adag oo hadh iyo habeen ahba ugu jiraan Xuska maalinta MIdnimada Qowmiyadaha iyo walaalnimada Shucuubta Dalka ee markii 8aad lagu qaban doono Caasimada Deegaanka ee magaalada Jigjiga guntigana loo xidhay sidii hab-maamuuseed qaranimo iyo kalgacal loogu soo dhawayn lahaa Ergooyinka,Madaxda DFI,Deegaanada,safaaradaha iyo Marti-sharafta ka soo qaybgali doonta.

Dhanka kale waxaa maanta ka dhacay Magaalada jigjiga Kulan aad u balaadhan oo qayb muhiima ka ah Doorka kaga aadan Booliska DDSI Qaabilaaada ergooyinka Xuska iyo u aslaaxida Jawi nadboon oo xasiloon loona qabtay Dhamaanba masuuliyiinta iyo qaybaha shacabka eek u nool 10ka xaafadood ee ay Magaalada Jigjiga ka kooban tahay.

Kulankan oo Ahmiyad gaara ay boolisku siiyeen ayaa ay ka Qaybgaleen ku xigeenka komishinka booliska DDSI md general maxamed Qayo, hogaanka nabadgalyada maamulka magaalada jigjiga mudane nuur cabdi maxamed. Waxana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay ku xigeenka komishinka booliska DDSI general maxamed qayo isaga oo si qoto-dheer uga waramay ahmiyada ay maalinta xusku u leedahay dhamaanba qoomiyada iyo shucuubta dalka itoobiya iyo waliba ahmiyada gaarka ah ee ay xuskani u leedahay deegaanka iyo waliba xarunta deegaanka ee magaalada jijiga sidaasi dardeedna looga baahan yahay dhamaanba bulshada qaybaheeda kala duwan in ay si buuxda lugu diyaar garoobaan qaabilaada martida.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada ee maamulka magaalada jigjiga mudane nuur cabdi maxamed wuxuuna sheegay in ay guulo u soo hayday tahay xukuumada iyo shacabka DDSI in lagu xuso xuska maalinta qoomiyadaha xarunta deegaanka ee jigjiga isaga oo si mug dheer uga waramay isku xidhnaanta bulshada iyo booliska in aan meelo gol daloolo looga helin iyo in ay bulshada si buuxda lugu diyaar garoobaan qaabilaada xuska, wuxuuna sheegay masuulku in la dhamays tiray u diyaar garowgii xuska laakiin hada wixii ka danbeeya loo diyaar yahay qaabilaada marida oo kaliya Wuxuuna hogaanku shacabka ku balaadhan ugu booriyay in ay kor u sii qaadaan adaynta nabadgalyada is ku xidhnaanta bulshada iyo booliska iyo waliba in ay si heer sare ah uga shaqeeyaan nadaafada magaalada.

Dhankooda waxaa iyagu ka hadlay kulankaasi qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo dhamaantood si dheer uga hadlay farxada iyo xiisaha ay u qabaan xuska maalintaa iyo in ay si buuxda ugu diyaar yihiin qaabilaada martida islamarkaana ay si buuxda uga hortagayaan wax kasta oo lid ku ah arqaladayna xuska