Ogaysiis:Dhamaan Qurbajoogta Ka Soo Jeeda DDSI ee Ku Baahsan Dacalada Dunida”Qadar Joojin Qaadashada Kaarka Deganaanshaha(Residence Permit-Card).

Jigjiga (CakaaraNews)Axad oct 06,2013. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan qurba-joogta ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu ka kooban yahay deegaanka Soomaalida Itoobiya ee xaqa u leh in ay qaataan kaadhka degenaanshaha (Residence permit card) ee uu bixiyo Xafiiska Wakaalada Arimaha Qurbajoogta DDSI in si ku meelgaadh ah loo hakiyay(joojiyay) Qaadashadiisii ee uu bixiyo xafiiska arimaha qurba joogta DDSI in si ku meel gaadh ah loo hakiyay(joojiyay)qaadashada kaadhka degenaanshaha (Residence permit card)laga bilaabo marka ay taariikhdu tahay October 7, 2013 oo ku began maalinta berito ah ilaa December 15,2013.

Haddaba Waxay Masuuliyiinta Xafiiska Qurbajoogta DDSI ee ay Waajibaadkiisu tahay Fududaynta hawlaha iyo Xidhiidhka Qurbajoogtu si xushmadi ku dheehan tahay Idiinla socodsiinayaa in sidaas loola socdo maadaama wakaalada Qurbajoogta Deegaanka Qaybta kaydinta Xogaha(Data-Base) dibuhabayn lagu wado sidoo kalana Xukuumadu ugu jirto diyaargaraw aad u balaadhan Xuska 8aad ee Hidar 29 oo DDSI lagu qaban doono.