Madaxweynaha Cusub ee DFI oo ay Maanta Labada Aqal Cod Buuxa Ku Ansaxiyeen.

Addis-ababa(CakaaraNews) Isniin oct,07,2013.Waxaa ay maanta kalfadhigoodii ugu horeeyay ee labada Aqal ee DFI looga Taliyo ku yeesheen Guriga Baarlamaanka DFI ay ku ansaxiyeen Madaxweynaha Cusub ee DFI Dr. Mulatu Tashome.

kalfadhigan ay maanta yeesheen Aqalka wakiilada Shacabka iyo Aqalka Golaha Federationka DFI ayaa ku soo beegmay kalfadhigoodii ugu horeeyay Sanadkan Cusub ee Guud ahaanba Miisaaniyada Dalka lagu ansaxinayay iyo Madaxweynaha DFI oo la kowsaday Taariikhda bilawga sanadka cusub ee Taariikhda Itoobiya iyo Bilawga Kalfadhiyada Labada Aqal ee dalka looga arimiyo.