Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga DDSI oo degmada jarati ka hirgaliyay mashruuca kaydka calafka xoolaha (model fodder bank)

Jarati(CakaaraNews) Talaado oct,08,2013.Xukuumada DDSI ayaa waxay sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn ka soo hoysay dhinacyada horumarka,dibudejinta nabadgalyada iyo maamulka suuban, sidoo kalena si looga midha dhaliyo qorshaha 5ta sano ee GTP iyo kan MDG ( millennium development goals),ayaa ay xukuumadu mudnaan gaar ah siisay sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha dadka xoolo dhaqatada ah iyo kuwa xoolo-dhaqato beeralayda ah si loo kobciyo Nolol-maalmeedka Qoyska Dhanka Damaanada Cuntada.

Hadda xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga ee DDSI ayaa waxa uu wadaa dadaalo fara badan oo laga midha dhalinayo qorshayaashaasi wuxuuna sanad miinaaniyeedkii ina dhaafay ee 2005 EC xafiisku guulo waawayn ka soo hooyay dhinacyada wax soo saarka beeraha iyo talaala xoolaha iyada oo uu sanadkii tagay gaadhiisya xafiisku in la hirgaliyo in ka badan 548 goob caafimaad oo xoolaha iyo 115 xarumaha tababarada beeralayda ah sidoo kale waxa uu xafiisku talaalay in ka badan 8.8 millyan oo neef oo laga talaalay cudurada iskaga gudba xuduudaha.

Xafiiska ayaa si kor loogu sii qaato wax-soosaarka xoolo dhaqatada iyo xoolo dhaqato-beeralayda ayaa xafiisku waxa uu wadaa in uu lii laba jiraabo wax qabadkii sanadkii hore isaga oo qorshihii sanadkii hore ka duulaya islamarkaana buuxiyay meelihii ay sanadkii hore ka jireen gol-dalooladu.

Degmada jarati ayaa laga hirgaliyay mashruuca kaydka calafka xoolaha waxaana warbixin naga siiyay mashruucaasi qaarka mid ah khabiiradii ka tirsan xafiiska beeraha oo iyagu ah kuwa u xilsaarnaa hirgalinta mashruucaasi waxaana ka mid ahaa md Abubakar Cali Liibaan wuxuuna ka waramay ujeedada mashruucan isaga oo yidhi” waxaan ka hirgalinay degmada jarati mashruuca kaydka calafka xoolaha (model fodder bank) Si kor loogu qaado damaanad-qaadka cuntada(Food securuty) ee dadka xoolo dhaqato iyo xolo dhaqato beeralaydaba iyadoo la siinayo abuurka casriga ah Barista qaabka ay ubeeran lahayeen calafka casriga ah oo tayadiisu nafaqo sarayso kana mid yihiin noocyada sudan-graska looyaqaan,si loo dhimo baahida calaf xoolaha la ‘aanta ama bad badiyo xoolaha udhimanaya calaf yaraan xiliyada abaarta iyo qaybinta calafka isaago abuur ah iyo calaf ahaanba.

Dhanka kale abdirasak mohamud oo ka mid ah khabiirada hirgaliyay mashruucaa ayaa sheegay in uu ahmiyad balaadhan u leehaya bulshada xoola dhaqatada ah kuwaasi oo kor u qaatay tayada xoolahooda waxa uuna sheegay in ay bulsho aad u badani ka faa-iidaysatay mashruucaasi