Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Deg-Deg:Caasimada Gobolka Afdheer iyo Nawaaxigeeda oo Galabta Loo Si Daayay Isticmaalka Mobilada(Hello Hargeele).

Hargeele(CakaaraNews) Arbaco oct 10,2013.waxaa casargaabadkii loo sii daayay Aalada casriga ah ee Mobileka Hargeele oo ah Caasimada Gobolka Afdheer iyo nawaaxigeeda"Hello Ma i Maqlaysaa".

Sidoo kale Baarey ayaa iyaduna Heshay isticmaalka Mobileka iyadoona ay Shacabka ku Dhaqan Gobolka Afdheer ay Caawa si daran-doori ah hadba meel kasta oo ay ehelkood ama asxaabtooda ku ogaayeen ka wacayaan mobiladooda Kuna kala boganayaan akhbaarahooda sida ay mareegtan u sheegeen qaar ka mid ah Dadka ku dhaqan Hargeele.

Talaabadan Horumarineed ee dhanka Isgaadhsiinta casriga ah ee ay fursada u heleen shacabweynaha Gobolka Afdheer ayaa ka mid ahayd balanqaadyadii uu Madaxweynuhu u fidiyay Reer Afdheer xili uu ku guda jiray socdaalkii Taariikhiga ahaa ee Rajo iyo Nolol Rumays uu ku marayay 4 Gobol.