Madaxweynaha DDSI oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee DFI(Dr Mulatu Tashome).

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce oct,11,2013.Madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa u Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Dhawaan loo Dhaariyay jagada Madaxweynaha jamhuuriyada Federalka Itoobiya Mudane DR.Mulatu Tashome yidhina waxaan aad ugu faraxsanahay xukuumad ahaan iyo shacab ahaanba Doorashada kalsoonida leh ee lagugu doortay hogaaminta dalka 6ta Sano.

Waxaanu balanqaadaynaa ka sakow Deegaanada iyo Shacabweynaha DFI in DDSI ay si buuxda kuugu garab istaagi doonaan Gudashada waajibaadkaaga shaqo,Shaqada Qaran iyo Qorshayaasha Dalkaba.

Dr.Mulatu ayaa Isniintii ay labada Gole Cod buuxa ugu ansaxiyeen jagada Madaxweynaha DFI isagoona xilka kala wareegay Girma Woldegiorgis