Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kormeer lagu sameeyay Mashaariicaha Dhanka Beerista (Abqaalka) Midhaha Abuurka tayaysan ee Dhiirigalinta iskaashatooyinka Wakaalada Abuurka Xulka ah.

Maareeyaha Wakaalada Abuurka Xulka ah MudanE Cabdi axmed Maxamed(Risaq) oo ay wehelinayeen masuuliyiin iyo khabiiro ayaa Kormeer hawleed oo lagu oganayay heerka ay marayaan mashruuca beerista midhaha abuurka(seed) iyo calafka xoolaha tayaysan ee ay hirgalisay wakaalada Abuurka xulka ah ee DDSI ee lagu dhiirigalinayo waxsoosaarka iskaashatooyinka  Wakalada abuurka xulka ah ee beeraha & calafka xoolaha,

mashaariicahan Abuurka midhaha tayaysan iyo calafka xoolaha ayaa ay fulinayaan iskaashatooyin ay ku dhiirigalinayso Wakaaladu si ay Beeralaydana uga caawiyaan Abuurka tayaysan iyaguna u maareeyaan meertadooda nololeed si kobac-dhaqaale loo gaadho.

maareeyaha iyo waftigiisa ayaa soo maray goobo badan oo laga beeray midhaha xulka ah iyo calafka xoolahaba oo sidii la rabay loo beeray,islamarkaana aad ay ugu bogeen una mahadceliyeen Dadaalka shaqo ee ay iskaashatooyinku muujiyeen iyo hanaanka fiican ee ay beeruhu u baxeen.

Dhanka kale qaar ka mida iskaashatooyinka ayaa uga celiyeen wakalada abuurka xulka oo iyadu ku dhiiri galisay sisayna siidhka tayada leh si ay bulshadu uga faaidaystan hormarna uga gadhan dhinaca waxsoosarka.

Waxana halkasi warbixinkasiyay shabakada warbahinta ee cakaaranews iyo dhaman warbahinta kaladuwan mar ay waxkawaydiyen wasirka wakalada abuurka xulka ah mudane cabdi axmed maxamed hindisaha iyo hadafka xafiskani uu ku hawlanyahay sidii u bulshada beralayda ah wax uga badalilaha una gadhsin lahayen Midhaha tayada leh si looga xoroobo gaajada iyo Damaanada Cuntada(Food Security).