Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wafti Balaadhan Heer-Federal ah oo Maanta Si wayn Loogu Soo Dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Godey.

 Godey(cakaaNews) Khamiis Oct,17,2013.Waftigan balaadhan ee ka socday Jamhuuriyada demoqoraadiga faderaalka itoobiya ayaa ay horkacayeen Raysal-wasaare ku xigeenka JDFI mudane demaqe mokonon iyo afhayeenka Aqalka fadareeshinka JDFI ayaa saaka ka degay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Goday halkaasoo ay si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar,dhamaan odayaal dhaqameedka DDSI oo iskugu jira ugaasyo,garaadada,suldaano,Ciidamada Qaranka,kooxaha fanka iyo suugaanta deegaanka iyo waliba waxgaradka iyo masuuliyiinta gobolka shabele.

Waftigan ay hogaaminayeen raysil wasaare ku-xigeenka JDFI iyo afhayeenka golaha fadereeshinka dalka itoobiya ayaa waxaa ku wehelinayay qaar ka mida wasiirada JDFI wasiiro ku-xigeeno,9ka madaxwayne ee dawladaha deegaanada uu dalka ka kooban yahay,madax-wayneyaasha 2da ismaamul magoolo, in ka badan 150 ganacsato oo ah kuwa ugu waawayn dalka itoobiya,dhamaan saxaafada ka hawlgasha dalka itoobiya,fanaaniinta ugu caansan dalka itoobiya iyo waliba marti sharaf kale oo ka socoday dawlad deegaanada iyo kuwa heer-fadaraalba ah.

Waxaana wafigan markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada goday ay salaan sharaf ka qaateen Ciidamada Qaranka Bariga hararge kadibna loo soo galbiyay hoolka wayn ee ku yaala kuliyada farsamada iyo beeraha magaalada goday waxaana intii ayna soo gaadhin hoolkaasi siwayn ugu soo dhaweeyay magaalada wadooyinkeeda dadwayne aad u tiro badan oo iskugu jira qaybaha ay bulshada ka koobantahay ee ku dhaqan magaalada goday iyaga oo inta magaalada iyo garoonta diyaaradaha u dhaxaysa ay dadwaynuhu la taagnaa xaleemo qoyan iyo calamaan.

Ujeedada wafigan oo ah in siwayn loo baro laguna soo jeediyo indhaha maalgashadayaasha dalka iyo kuwa caalamkaba khayraadka dihin ee ilahay ku manaysday deegaanka soomaalida itoobiya gaar ahaan gobolka shabeele islamarkaana ay maalgashi ugu sameeyaan deegaanka.

Waxaana maanta galinkii hore ay wada yeesheen waftiga masuliyiinta xukuumada iyo odaal-dhaqameedka deegaanku shir lagu qabtay hoolka shirarka ee kuliyada waxaana shirkaasi furitaankiisii ka hadlay madaxwaynaha dawlada deegaanka mudane cabdi maxamuud cumar oo si qurux badan waftigan ugu soo dhaweeyay deegaanka wuxuuna si qoto dheer ugu waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu deegaanku soo maray.

Sidoo kale Waxaa uu madaxwaynuhu siwayn uga waramay in deegaanka haatan uu meel fiican marayo marka la eego dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo waliba dhinaca maalgashiga waxaana uu madaxwaynuhu uu sheegay in cidkasta oo danaynaysa in ay deegaanka maal gashadaan ku soo dhawaynayaan gacmo furay. Ku-xigeenka raysil-wasaaraha dalka itoobiya mudane demaqe mokonan oo shirkaasi ka soo jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa waxa sheegay in deegaanka soomalida ay soo mareen dhibaatooyin badan oo ka haystay kuwaasi oo ay u gaysteen xukuumadahii boqortooyada iyo kalidii taliskiiba.

KuxigeenkaRaysal-wasaaraha DFI ayaa sheegay in la gaadhsiiyay qoowmiyada deeganka somalida in la takoora oo loo aqoonsado kuwa aan u dhalan dalkaba, balse markii ay curatay itoobiyada cusub uu deegaanka marka marka soo kabsatay hagar-daamaddii iyo tiifdii uu sidda wayn ula liitay, Wuxuuna sheegay raysil-wasare ku-xigeenku in haatan uu deegaanka ka hano-qaaday horumar la taaban karo iyo xasilooni balaadhan sidaasi dareedna ay jamhuurayada faderaalka ganactadada dalka iyo ta-caalamkuba hada siwayn uga midha dhalinayaan horumarka ay horseeday hogaaminta imika haysa talada deegaanka

Waxaa kale oo isaguna khudbad ka soo jeediyay shirkaasi afhayeenka golaha fadareeshinka dalka itoobiya mudane kase tagle burhan wuxuuna sheegay in deegaanka soomalida ay wakhtiyo badan culays badani saarnaa lakiin hada uu deegaanka qaaday tubta horumarka nadaglayada, waxaa kale oo uu sheegay afhayeenku in deegaanka hayay dhul timid islamarkaana uu hayay deegaan illaahay ku manaystay khayraadka dabiiciga ah kaasi oo leh wabiyo aad u tiro badan dhul daaqsimeed ku haboon dhaqashada xoolaha nool dhulku habaan waxsooraarka dalaga,sidaasi darteedna ay haboontahay in siwada jir ah ay uga midha dhaliyaan xukuumada iyo ganacsadada dalku.

Odayaasha deegaanka oo uyaguna ka hadlay shirkaa ayaa waxay dhamaantood in ay siwayn ugu soo dhawaynayaan waftigan ,masuuliyiinta iyo ganacsatada iskugu jira waxaya tibaaxeen in deegaanku wakhtiyaddii hore uu soo maray culays badani islamarkaana intii ka horaysa xukuumada haatan talada haysa ay hogaamiyaashii hore ka gaabiyeen horumarka iyo nabadgalyada deegaanka iyaga oo ay yidhaahdeen aan wax xidhiidh horumarineed la samayn marnaba jamhuuriyada fadaraalka ganacsatada iyo xidhiidhka qurba joogtaba balse markii ay hogaaminta qabatay xukuumada imika ka arimisa deegaanku ay guud ahaanba deegaanka ka curtay horumar nabadgalyo iyo maamul suubani.

Waftigan ayaa inta ay goday ku sugan yihiin waxa la filayaa in ay booqdaan meelo badan oo ka mid ha meelaha lagu samayn garo maalgashiga wararkayaga danbe ayaan idunkula socodsiindoonaa meelaha ay booqdaan iyo shirarka kale ee ay la yeeshaan xukuuamda deegaanka iyo odalaal dhaqameedka deeegaank