Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maamulka Degmada Mooyaale oo Sheegay Yididiilooyinka Hirgalinta Qorshayaasha Horumarineed,Maamulka Suuban iyo Kor u qaadida Daboolka Waxbarashada.

Mooyaale(CakaaraNews) Sabti oct 19,2013.wariyaha shabakada cakaaranews oo maalmahan booqasho ku joogay Gobolka Liibaan ayaa mar uu booqday Degmada Mooyaale kula kulmay Gudoomiyaha Degmada Mooyaale C/sayid Barkhadle kana xogwaraystay heerka ay marayaan Waxqabadka Degmada,Hirgalinta Qorshyaasha iyo Kor u qaadida Tayada waxbarashda.

Gudoomiyaha maamulka Degmada Mooyaale Mudane C/sayid Barkhadle oo xafiiskiisa waraysi ku siiyay Shabkada warar Ee Cakaaranews Ayaa cadeeyay in Maamulka Degmadu uu ku Howlan yahay Hirgalinta Qorsheyaasha Horumarineed Ee Degmada mooyaale u yaalay Sanadkan islamarkaana tibaaxay in sanadkii hore meel fiican la gaadhsiiyay Heerka Waxqabadka iyo Adeegbixinta Dhinacyada Horumarineed Sida Biyaha,waxbarashada,Caafimaadka iyo Beerahaba.

Sidoo kale Gudoomiyaha Ayaa shegay in Dhanka Waxbarashada Sanadkan aad loo dardargaliyay iyadoo Caruurta Da'doodu Waxbarashada gaadhay ka dib wacyigalin balaadhan oo lagu ameeyay waalidka lagu soo xareeyay Dugsiyada waxbarashada Degmada Mooyaale oo ay Degmada ku yaalaan 70 dugsi oo isugu jira Kuwa ABE iyo kuwa caadiga ah waxna ku bartaan Arday Tiradoodu kor Udhaafayso konton iyo shankun (55000 ).

Dhanka kale mar uu ka hadlayay dhinaca caafimaadka ayuu sheegay inay Degmada ay ka jiraan 32 goobood oo isugu jira Rugaha iyo Xarumaha Caafimaadka Kuwaasi oo adeeg siiya Bulshada ku Dhaqan Degmada mooyaale iyo Tuulooyinka Hoos yimaada .

waxaa kale oo uu intaa uu ku daray masuulku in si kor loogu qaado Barnaamijka fidinta caafimaadka ay wakhti Xaadirkan Degmadu 1250 Qoys uu tababarka 16ka xidhmood Ee fidinta Caafimaadka uu uga socdo Goobaha loogu talo galay. Cakaaranews Mooyaale