Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Degmada Mooyaale ayaa sheegay inay Guda-galeen Hirgalinta Mashaariicaha Horumarineed ee sanad-Miisaaniyadeedka 2006

Mooyaale(CakaaraNews)Isniin oct,21,2013:- Madaxa Xafiiska Maaliyadayada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Degmada mooyaale Mudane Idiris Xasan Dinaase Ayaa wariyaha Shabakada Wararka Ee Cakaaranews oo maalmahan shaqo u joogay Gobolka Liibaan gaar ahaan Degmada Mooyaale u cadeeyay in miisaaniyada Degmada Ee Sanadkan ay tahay sodon iyo sagaal milyan( 39,000,000 )oo isugu jirta Miisaaniyada mashaariicaha Horumarineed, mushaharka Shaqalaha iyo Hawl- fulinta Xafiisyada(Operational Expenses).

Warka ayaa intaa ku daraya in uu Mudane Idiris sharax Guud ka siiyay Wariyaha Warbixinta Waxqabadkii Xafiisyada Maaliyada Degmada Mooyaale ee sanadkii tegay ahmiyada ugu balaadhana la siiyay Dhanka Biyaha,islamarkaana Tibaaxay in sanadkan ay Qorshaha ugu jirto in 20-barkadood laga Qodo degmada kuwaasi oo qayb ka ah Hirgalinta Barnaamijka biyo Ururinta si ay shacabku u helaan Biyo nadiif ah. Masuulkan ayaa carabaabay in sanadkii tegaay laga hirgaliyay degmada 13-barkadood oo ay shacabku hada ka faa`iidaysanayaan waxaana Xafiiska u qorshaysan in Mashaariicdan wakhti gooda lagu soo gaba gabeeyo ayuu yidhi.

Sida uu wariyuhu noo soo xaqiijiyay Xafiiska maaliyada Degmada mooyaale ayaa Dibucurashadii ka dib isbadal la taaban karo Ku sameeyay Nidaamka Adeeg-bixta iyo Adeegyada uu u hayo Bulshada iyo Macaamiishiisa Taasoo Sahashay in MUshaharka Shaqaalaha lagu Bixiyo 25ka ilaa 27ka bisha iyadoona meesha ka saartay Dib udhacii ku imaan jiray Qaadashada Mushaarka Shaqaalaha Degmada xilli ku haboon Guud ahaan shaqaaluhuna u riyaaqeen.

Isku soo wada duuboo Nidaamka Dibucurashada ayaa sahlay Adeeg-bixin Tayo leh iyo isdhexgalka Bulshada meeshana ka saaray Musuqii,Xil-gudasho la'aantii iyo Aragtidii qaiilka.

CakaaraNews Mooyaale.