Waftigii Isku Duubnaa ee Heer-Federal iyo Heer-Deegaan oo Socdaalkii Dheeraa ee 5ta Gobol Ku Soo Gunaanaday Degmada Hadha-gaale ee Gobolka Sitti.

Hadha-Gaale(CakaaraNews) isniin Oct 21,2013.Waftigan oo maalmahanba socdaalka dheer ku soo 5 gobol oo ka mid ah gobolada deegaanka Soomaalida Itoobiya kana mid ahaayeen masuuloyiinta ugu saraysa Jamhuuriyada dumoqoraadiga fadaraalka itoobiya,masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa,ganacsatada ugu waawayn dalka iyo deegaankaba abwaaniinta,fanaaniinta ugu caansan dalka iyo deegaankaba ayaa shalay aroontii ka amba-baxay magaalada Diridhawa iyagoo ku wajahnaa Degmada hadhe-Gaale ee Gobolka Sitti.

Magaalada Dire-dawa oo Si aan la qiyaasi karin ugu soo dhaweeyeen shacabweynaha Ismaamulka Diredawa,Masuuliyiinta Ismaamulka iyo Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed oo ayWehelinayeen Guurtidiisa Dhaqanka ayaa Ka sii raacay Magaalada waftiga. Bilawgii Socdaalka Diredawa ka dib ayaa ay Dhamaanba Qaybaha Shacabka,Guurtida Dhaqanka Beesha Ciise oo uu Hogaaminayay Ugaaskooda iyo Kooxda fanka iyo Hidaha Dhaqanka oo masaafo ka soo baxay mgaalada Shiniile Sitayna Caleemo Qoyan,Calanka DDSI,Calanka Federalka iyo Boodhadh soo dhawayneed ayaa si aad u balaadhan waftiga ugu soo dhaweeyeen Magaalada Shiniile oo marin u ahayd bartilmaameedka Socdaalka Waftigan.

Ka hor intii aynan Gaadhin Waftigu Degmada hadha-gaale ayaa waxa ay sii booqdeen Waxayna booqdeen goobaha ay mashaariicaga dibu-Dejntu ka socoto laga hirgaliyay si bulshada loogaga faaiideeyo Khayraadka Dhulka Hoostiisa iyo Waxsoosaarka Beeraha Si looga gaashaanto Saboolnimada iyo Cunto Yaraanta Sababta Gaajada.

waftiga ayaaa duhurnimadii Galay Magaalada hadha-gaale halkaasoo si diiran loogu Riyaaqsanaa Soo dhawayntoodaShacabkuna hareeraha ka soo galbinayeen waftiga halkaasoo Waftigu ay ku hadhimeeyeen Qado-sharaf loogu sameeyay,waxayna intii ay joogeen waftigani Hadhagaale la yeesheen shir balaadhan bulshada qaybaheeda kala duduwan ee ku dhaqan magaalada.

kulankii hadha-gaale ayaa waxa ugu horayntii ka hadlay afhayeenka golaha-fadareeshinka JDFI md Kase Tekle-Burhan oo siwayn ugu mahad-naqay bulshada ku dhaqan gobolka siti iyo ugaaskooda ee sida diiran ugu soo dhaweeyay waftiga laga soo bilaabo Diredawa waxaanu sheegay kase in ay indhahooda ku soo arkeen Goobo aad u badan oo ay si xawli ah uga socdaan mashaariico-Horumarineed oo waawayn kuwaasi oo ay kala hirgalinayaan xukuumada deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo meelaha qaar ay ka hirgalinayaan Dawlada Federalka Itoobiya Qaybna ka ah Qorshayaasha DFI ee Deegaanada sheegayna in ay DFI ka go'an tahay in Si balaadhan loola Shaqeeyo Xukuumada DDSI oo Mudo yar ku Muujisay isbedel Horumar,N/galyo Baaxad Wayn iyo Shacabweynaha Soomaalida Itoobiya oo udub-dhexaad u ah isbedelada iyo Kobaca Dhaqaale ee ay Xukuumadu ku talaabsatay ayuu yidhi Mudane kase.

Sidoo kale waxaa isna hadal Qiimo badan ka soo jeediyay fagaarahan Raysal-wasaare kuxigeenka DFI mudane Dameqe Mokonen oo siwayn uga hadlay isbedelada Horumarineed,N/galyo,Maamul-Suuban iyo Kobaca Dhaqan Dhaqaale ee ay Taabogalisay Wax aan 3sano ka badnayn Xukuumada Maanta Hogaanka Deegaanka haysa oo kaashanaysa Qaybaha Shacabkeeda markii ugu horaysay intii ay Dalka ka curatay Hanaanka Sinaanta,Cadaalada,Dimoqraadiyada,wadanoolaanshaha iyo Axdi-qarameedka sugay Dhamaanba Xuquuqaha Dastuuriga ah ee Qowmiyadaha Carabkana ku adkeeyay in ay DFI tahay Mid ka duulaysa Aragtida Horumarka Shacabka iyo ladagaalanka saboolnimada iyadoona Hogaaminta Ururka EPRDF iyo DFI isha kuhayaan ka jawaabista iyo kor uqaadida Nolosha Shacabkeeda si looga haqabtiro baahiyahooda aasaasiga ah ayuu yidhi mudane Damaqe.

Dhanka kale waxaa shirkaasi ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo mahadnaq uu u jeediyay Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe,Shacabweynaha Sitti iyo Madaxda DFI ka dib sheegay in maanta shirkaasi loo dhanhayay haddii ay tahay masuuliyiinta ugu saraysa DFI,DDSI,Hogaaminta Dhaqanka,waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee gobolka siti gaar ahaan odayaasha dhaqanka ee beesha ciise oo uu hogaaminayo ugaaska beesha ugaas mustafe islamarkaana ay maanta tahay maalin ahmiyad gaar ah u leh gobolka siti sidaasi darteedna ay mudan tahay in siwayn loo gorfeeyo arimaha mashaariicaha horumarka,daraasaadka baahiyaha aas-aasiga ah ee Bulshada iyo kor uqaadida dhaqaalaha gobolka.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in gobolka siti uu yahay dhul hodan ku ah dhinaca khayraadka biyaha o aan wakhtiyaddii hore looga faa-iidaysan sinaba balse hada ay xukuumada deegaanka iyo tan fadaraalkuba ka go'antahay in siwayn loo xoojiya mashaariicha horumarineed ee wakhti-xaadirkan sida habsamida leh uga socda gobolka siti gaar ahaan Mashaariicaha Dibudejinta iyo baaxada ceel-iyoodka kor u dhaafaya 60ka Ceel ee laga qoday Degmooyinka hadha-gaale iyo Afdem si shacabka loogaga faaiideeyo Biyaha Dhulka hoostiisa ku jira iyo waxsoo-saarka saracyada Beeraha si looga xoroobo gaaada ayuu yidhi.

sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu ku booriyay shacabka iyo waxgaradka gobolka siti in siwayn isku garab istaagaan xukuumada deegaanka iyo tan fadaraalkaba maadaama ay bulshada gobolka siti tahay ta mashaariicahaasi iyaga looga faa-iidaynayo.

Ugaaska beesha ciisaha ugaas Mustafe Mahamed oo shirkaasi ka hadlay ayaa siwayn ugu mahadnaqay waftigan balaadhan ee isugu jira heer-fadaral iyo heer deegaanba wuxuuna sheegay in ay maanta siwayn ugu faraxsan yihiin imaatinka waftigan booqashada ku jooga gobolka oo aan ahayn markii 1aad ee wafti sare yimaado Gobolka siti sheegayna in Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu waxqabad cadaaladed Dhanka Horumarka iyo Maamulka Saxar-tiran si siman uga Hirgaliyay Markii 1aad Dhamaanba Deegaanka gaar ahaana Gobolka Sitti laga Dhaqangaliyay isbedel horumarineed oo baaxad wayn ayuu yidhi ugaasku. Ugaaska ayaa tibaaxay in ay siwayn u garab-taagan yihiin xukuumada fadaraalka iyo Xukuumada deegaanka kaalin xoogana ka qaadan doonaan hawlaha Horumarineed iyo Nabadgayada.

Aakhiru-Licibkii ugu danbeeyay Qaar ka mida Odayaasha dhaqanka oo ka hadlay shirkaasi ayaa waxay sheegeen in ay siwayn ugu mahad celinayaan waftigan islamarkaana ay ugu mahad celinayaan mashaariicahan waawayn ee ka socda gobolka haddii ay tahay dhinaca wadooyinka dhinac ceelasha biyaha dhaadheer e looga faa-iidaynayo waraabka beeraha iyo Waxsoosaarka Beeraha.ay dib u dajintu ka socoto waxayna laban qaadeen in ay siwayn dhankooda uga soo dhalaalidoonaan hirgalinta mashaariicahaasi Waftigan ayaan galinkii banbe u soo noqday dhankaa iyo magaalada diridhaba