Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Yididiilada Sanadka ee Kobcinta Ilaha Dakhliga Deegaanka iyo Rubacii 1aad oo laban-laab Qorshihii soo xaraynta Dakhliga La Dhaafiyay.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce Oct 25,2013.Waxaa hubaal ah in lahirgaliyay dadaalo iyo Qorshayaal kor loogu soo qaadayo heerka dadka noloshoodu aadka uhoosayso ee deegaanka kunool,lana fidiyay maamulka suuban siloo keeno isbadal Dhaqan-dhaqaale oo xawli kusocda islamarkaasna joogteeya ama xaqiijiya Heerka iyo kobaca horumarka bulshada si loola dagaalao saboolnimada iyo Gaajada. Iyada oo ay sidaas tahay waxaa sadexdii sano ee ugu danbaysay taariikhda deegaanka lakeenay isbadalo lataabankaro oo wax ku ool ah, si ibadaladaas loo sii adkeeyana waxaa ladiyaariyay oo lahirgaliyay qorshihii koboca ee shanta sano.

Hadaba si looga midho-dhaliyo xaqiijinta iyo hirgalinta qorshaha kobaca-dhaqaale ee Dalku Hiigsanayo(GTP) waxaa ugu muhiimsan ahmiyada 1aadna la siiyay Dhanka dhisida awooda maaliyadeed,wuxuuna deegaankeenu shantii sano ee ugu danbaysay sameeyay talaabooyin kor loogu qaadayo dakhliga deegaanka iyada oo laban lab inkabadan kor loogu qaadayo dakhligii wakhtigaas oo ahaa 60 million lana gaadhsiiyay in ka badan 500 oo million,taas oo noqotay mid lagu daboolo isbadalada Horumarineed iyo koboca dhaqaale ee Deegaanka udub-dhexaadna u ah Waxqabadka Dawlada. Sidoo kale Waxaynu wada ogsoonahay in Guud ahaanba Miisaaniyadaha DFI ay ka kooban tahay Miisaaniyada Khasnada Dhexe iyo Miisaaniyada Deeqaha taasoo ay xudun u tahay Canshuuraadka laga soo xareeyo 9ka Deegaan oo Deegaanada Qaar kafeeya Baahidooda miisaaniyada sanadka soona xareeya sanad-kasta Dakhliga Canshuuraadka kala duduwan Miisaaniyad aad u badan oo Deegaanada qaarkood kabid ahaan loo siiyaba.

Hadaba Xukuumada maanta hogaanka Deegaanka haysa ayaa Mudadii yarayd ee ay xilka haysay Guntiga u xidhatay kor u qaadida ilaha Dakhliga iyo Adkaynta Nidaamka Soo xaraynta canshuuraadka si uu Deegaanku iskufilnaansho iyo Kobac-dhaqale u gaadho si kor loogu soo Qaado Heerka nolosha Bulshada ugana xoroobaan saboolnimada iyo Gaajada lana xoojiyay Barnaamijyada Damaanada Cuntada walow uu 2dii sano ee u danbaysay wakaalada Dakhliga DDSI ay soo xaraysay dakhli ka badan intii la filayay ifafaalo iyo yididiilana u noqotay in DDSI ay ku filnaan doonto Miisaaniyadeeda sanadaha fooda inagu soo haya waa hadii aynan xagal-daacin Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Waxqabadka Dadaalka Shaqo muujiyaye.

Dhanka kale mar uu wariyaha cakaara maanta kula kulmay Xafiiskiisa Maareeyaha Guud ee wakaalda Dakhliga DDSI Mudane Cumar-siyaad Ibraahim Maxamed ayaa uu wax ka waydiiyay Heerka Kobaca Dakhliga Heer- deegaan,Heer-degmo,Heer   Maamul Magaalo iyo isbarbardhiga Qorshihii Gud ee soo xaraynta canshuuraaadka Dakhliga u yaalay sanadkan.

Mudne Cumar siyaad ayaa ku jawaabay sidan:-ka kow Qorshaha Guud ee Cadadka soo xaraynta Dakhliga loo Qoondeeyay Heerarka DDSI waxaa jirtay in sanadkii hore Dadaal iyo isxilqaan uu xafiiska oo taageero buuxda Hogaaminta Sare ee Xukuumada DDSI ka helaya in la soo xareeyay dakhli lacageed oo ka badan soo xarayntii canshuuraadka la qoondeeyay,iyadoona Dakhligaas Dheeriga ahaa ee sanadkii tegay la soo xareeyay ay Dabooshay Dhamaanba Dhismayaasha iyo mashaariicaha kala duduwan ee ay Xukuumadu ugu diyaargaroobayso Xuska Hidar 29 ee magaalada jigjiga taasoo ku soo beegantay in qorshaheeda laqaato iyadoo miisaaniyadii deegaanka loo jajabiyay heer deegaan,heer degmo iyo maamul magaalo cakirnan lahaydna in miisaaniyad intaa la'eg loo helo xiligaas.

Maareeyaha oo hadalkiisii sii wata ayaa tibaaxay in Sanadkan Qorshaha Xukuumada DDSI loo qoondeeyay wakaalda Dakhliga Heer-deegaan,Heer Maamul-Magaalo iyo 68da Degmo in ay soo xareeyaan canshuur-Dakhli oo caddadkeedu yahay 700,000,000 (Todoba Boqol oo Milyan) oo warbixintii Rubacii 1aad ee sanadkan lagu yaqiinsaday Yididiilada Kobaca Dhaqaale ee Deegaanka iyadoo la soo xareeyay Miisaaniyad Dakhli ka badan intii la filayay lana odhan karo waxaa la gaadhsiiyay laban-laab.

Masuulka ayaa Sharax ka bixiyay Heerka Soo xaraynta Canshuuraadka Dakhliga kala duduwan ee Warbixinta Rubaca 1aad ee sanadkan la xaqiijiyay isagoona Carabaabay in ay u kala soocan tahay warbixinta Waxqabadka wakaalada Dakhliga DDSI Rubaca 1aad ee sanadkan Dakhliga lagu soo xareeyay Khasnada Dawlada,hadaan ku horeeyo Heer-deegaan waxaa laga soo xareeyay oo lagu shubay khasnada Maaliyada DDSI Aduun lacageed oo gaadhaya 171,000,000(boqol todobaatan iyo kow milyan) iyadoona laga soo xareeyay kaiya Canshuurta Iibka(VAT),Canshuuraadka Shirkadaha iyo Canshuurta Jaadka oo ah canshuraadka maalinlaha iyo bilaha ah balse aynan ku jirin canshuuraadka ugu badan ee dabayaaqada sanadka laga soo xareeyo sida Canshuurta laga soo xareeyo macaashul-macaashka.

Mudane Cumar siyaad ayaa intaa ku daray in 68da Degmo rubacan 1aad iskudarkooda laga soo xareeyay dakhli dhan 78,149,426(Todobaatan iyo sideed Milyan boqol afartan iyo sagaal afar boqol labaatan iyo lix) sidoo kalana 4ta maamul-Magaalo la soo xareeyay Dakhli Dhan 17,000,000(Todoba iyo Toban Milyan)Marka Heer Deegaan,Heer Magaalo iyo 68da Degmo Canshuurta Dakhlga rubaca 1aad laga soo xareeyay Wadartooda ka Dhigaysa marka la isku daro ay Noqonayso 268,079,552(Laba boqol lixdan iyo sideed milyan shan boqol konton iyo shan) Heerkii Qoondaha Qorshaha Sanadka yiilayna ahaa in Rubacii la soo xareeyo 175,000,000(Boqol todobaatan iyo shan Milyan).

Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in Xafiisku uu dhaafiyay Qorsihii Soo xaraynta canshuurta dakhliga Rubaca 1aad sida ku xusan Qorshaha sanadka 93,079,552 taasoo u dhigantaba in bishiiba laba-laab soo xaraynta canshuurta dakhliga la qoondeeyay la soo saaray.