Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan balaadhan oo lagu Gorfaynayay Natiijadii iyo habkii Diyaargarawga ee socdaalkii Loogu Magac daray KALI ee ay waftigii baaxada waynaa ku soo mareen deegaanka oo xalay ka dhacay Hoolka Shirarka ee SMCX.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce Oct 25,2013.Sida uu wariyaha Mareegta War-laliska cakaaranews ku soo waramay kulankan oo ay ahmihyadiisu ahayd sidii loo falanqayn lahaa Natiijadii ka soo baxday iyo Heerka Diyaargarawga Xukuumada iyo maamulada Gobolada iyo Degmooyinka socdaalkii dheeraa ee ay waftigii ay hogaaminayeen Kuxigeenka raysal-wasaaraha DFI,Afhayeenka Aqalka-Federationka DFI iyo Madaxweynaha DDSI ku soo mareen 5 Gobol oo ka mida deegaanka iyo waliba sidii wanaaga lahayd ee ay shacabka iyo xukuumadu ugu soo dhaweeyeen deegaanka.

Sidoo kale warka ayaa intaa ku raxeeyay in isla kulankan lagu gorfaynayay Nidaamka iyo Afkaaraha habka loo sii dardargalin lahaa Qaybaha ka dhiman u Diyaargarawga xuska munaasabada Maalinta Midnimada iyo Walaalnimada Qowmiyadaha ee markii 8aad caasimada DDSI Magaalada Jigjiga Lagu Qaban Doono Bisha fooda inagu soo haysa,iyadoona ay kulankan ka soo qayb galeen masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo uu ka mid ahaa,madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar,madaxwayne ku-xigeenka ahna wasiirka caafimaadka mudane c/fataax maxamud xasan, golaha wasiirada DDSI,Maareeyayaasha Wakaaladaha,dhamaan shaqaalaha xafiisyada heerdeegaanka iyo waliba qaarka mid ah odayaasha iyo waxgaradka DDSI.

Kulankaasi ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar wuxuuna madaxwaynuhu ugu horayntii siwayn ugu mahad celiyay shacabka iyo shaqaalaha DDSI isaga oo madaxwaynuhu siwayn uga warbixiyay ahmiyada uu socdaalkaasi u lahaa deegaanka isaga oo sheegay in ayna socdaalkaasi itoobiya u kala hadhin haddii ay tahay masuuliyiinta DFI ugu saraysa oo ay hogaaminayeen Raysil wasaare ku xigeenka dalka iyo ahayeenka golaha fadareeshinka dalka, golaha wasiirada DFI,dhamaan ganacsadada dalka ugu waawayn DFI iyo DDSI,madaxwaynayaasha 8da deegaanada iyo waliba maalgashadayaal heer-caalamiya.

Madaxweynaha ayaa Carabka ku adkeeyay in ay shacabka deegaanku mudanyihiin mahadnaq gaar ah maadaama oo ay inta u dhaxaysa goday ilaa hadhagaale ay waftiga meel kasta oo ay marayaan la taagnaayeen caleemo qoyan taasina ay dadyawga itoobiya iyo dawlada DFI tustay heerka Itoobiyaanimadooda iyo Shucuurtooda qaranimo ee shacabka deegaanku uu taagan yahay.

Dhinaca N/galyada mar uu madaxwaynuhu ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay wakhtiyo hore deegaanka ka jireen waxa la odhan jiray UBBO kuwaasi oo shacabka siwayn u gumaadi jiray islamarkaana caqabad wayn ku ahaa horumarka deegaanka balse markii ay xukuumada deegaanka hada ka talisaa dajisatay qorshaha lagu tir tiraya kooxdaasi ee la abuuray ciidanka gaarka ah ee liyuu booliska islamarkaana la dajiyay qorshayaal horumarineed shacabkuna siwayn u garab itaageen xukuumadooda horumarineed ayaa waxaa guud ahaanba deegaanka laga sifeeyay ubbo oo Carqalad iyo Turun-turo ku ahayd shacabka iyo horumarka deegaanka.

Waxaana Marag-Madoona in Wakhti xaadirkan ay Deegaanka nabad taam ahi ka jirto Dhamaanteena wada qirayno iyadoona in aanay hada wax dhaq dhaqaaq ah oo nabadgalyo xuma ahi ka jirin deegaanka wafigii ay u dhanayd itoobiyada cusubi ka dib markii ay deegaanka socdaal dheer oo dhinaca dhulka ah ku soo mareen iyada oo aan wax ciidan ahi la socon islamarkaana ay meelaha qaar soo mareen xili Habeen ah kuwaasoo ka marag kacay in Deegaanka Soomaalida aanay haba yaraatee ka jirin wax Amni xumo ah.

Dhanka kale Waxaa kale oo uu madaxwayuhu kaga shanqadhiyay in socdaalkasi ay ka mid ahaayeen ahmiyada balaadhan ee deegaanka ugu jirtay haddi ay tahay dhinaca maalgashiga maal-qabeenada haddii ay tahay dhinaca xukuumada itoobiya oo dhamaan wasaaraddiihii itoobiya wada socdeen islamarkaana wasaarad kasta waxay qaabilsan tahay balan qaaday in ay dhankeeda ka soo dhalaali doonto,Indhaha Maalqabeenada Beesha Caalamka iyo Shucuurta Walaalnimo iyo wadaniyadeed ee ay Shacabwenaha Soomaalida Itoobiya ku beereen Walaalahooda DFI iyo Deegaanada DFI.

Dhanka xuska maalinta qoowmiaydaha mar uu ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay madaxwaynuhu in ay maalitaasi tahay maalintii ay dhalatay itoobiyada cusub ee laga gud bay cadaadisyadii hore u soo haysan jiray dalka itoobiya gaar ahaan shacabka deegaanka islamarkaana ay tahay maalinta sinaanshaha qoomiyadaha deegaanka soomalida ee lagu qabanayo xuskan 8aadna uu hayay deegaan aad u dhaqan wanaagsan soo dhawan wanaagsan sidaasi oo ay tahay waxaan hadana siwayn dhamaanteen inoo sugaysa ayuu yidhi madaxwaynuhu in aan sii xoojino dhaqankeena soo wawaynteena martigalinteena miimaha wanaagsanayd.

Dhankooda shaqaalihii iyo masuuliyiintii ka hadlay kulankaasi yaa waxay sheegeen in ay siwayn ugu faraxsan yihiin islamarkaana ay tahay guulaha ugu waawayn ee ay xukuumadu soo haysay socdaalka aan itoobiya u kala hadhin ee ay ku soo mareen deegaanka waxayna masuuliyiintii. shaqaalihii iyo odayaashii ka hadlay madashaasi tilmaameen in ay siwayn ugu diyaar yihiin xuska maalinta qoomiyadaha