Maamulka Magaalada Jigjiga oo Marti Galin Doona Wufuuda Xuska 8aad ee HIdar 29 oo ebyay(Dhamaystiray)Dhamaanba Dhismayaasha Mashaariicihii ugu Waawaynaa ee Dhanka Kor u Qaadida Bilicda iyo Quruxda Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin Oct,28,2013.Maayarka Maamulka magaalada jigjiga mudane C/risaaq Saxane oo waraysi gaar ah siiyay wariyaha kameerada wareegta ee shabakada wararka cakaaranews ayaa u sheegay in ay si mug leh ay dhinac kastaba ugu diyaar garoobeen xuska maalinta Midnimada qowmiyadaha iyo Walaalnimada shucuubta iyo dadyawga dalka itoobiya oo markii 8aad lagu xusi doono bishan fooda inagu soo haysa ee hidar 29keeda xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Sidoo kale mayorka ayaa ku ladhay warbixintiisa in dadaalka iyo isbedelada horumarineed ee ay xukuumadu DDSI sanadihii ugu danbeeyay ku talaabsatay tahay tan sababtay in ay Guud ahaan Horumarka,N/galyada iyo maamulka suuban sare u qaadaan Qorshayaasha Horumarineed ee GTPga iyo MDG kalsooni buuxdana galisay dhamaanba Madaxda Sar-sare ee DFI,Golaha Federationka iyo Dhamaanba 9ka Deegaan in Caasimada Deegaanku Noqoto mid Mudan in lagu xuso Xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya sidoo kalana tartansiintii Caasimadaha 9ka Deegan gashay Kaalimaha ugu horeeya.

wuxuna mayarku si wayn ugA waramay ahmiyada balaadhan ee ay maalintani ugu fadhido guud ahaan Qowmiyadaha dalka gaar ahaana Shacbiga soomaalida itoobiya kuna tilmaamay in ay u tahay Iftiin iyo Neecaw aqoonsi Qowmiyada Soomaalida,Dhaqankeeda,Sharafta marti-soorkeeda,Taariikhdeeda iyo isdhexgalka Walaalnimo ee Qowmiyadaha laguna xaqiiqsanayo wadar ahaan in maalintani tahay Maalintii ka dulqaaday Heeryadii talisyadii faashiistiga ahaa Dhidibadana u taagtay Dastuur cadaaladeed,Sinaan,xaqdhawreed,Dimoqraadiyadeed,walaalnimo,Aqoonsi Qowmiyadeed iyo Dhamaanba Sugida Xuquuqaha dastuuriga ah ee Shucuubta walaalaha ah. tahayna maalintii ay la yagleelay(La Unkay) itoobiyada cusub oo ah midhihii halgankii qadhaadhaa ee ka dhashay kacdoonkii shacbiga iyo Ururadii ku bahoobay ururka EPRDF ee dhiigooda qaaliga u huray in ay shafka u daruuraan Taliskii Dhergiga ayuu yidhi.

Dhanka kale Mudane C/risaaq Saxane ayaa tibaaxay in ka sakow maamul magaalo ahaan Diyaargarawga iyo kor u qaadida Bilicda magaalada ee ay ka fuliyeen magaalada jigjiga in ay ka baaxad wayn tahay Qorshayaasha mashaariicaha Horumarineed iyo Mashaariicaha waawayn ee dhanka Quruxda magaalanimo ee ay Xukuumada DDSI 3dii sano ee ugu danbaysay galisay Caasimada Deegaanka ee Jigjiga korna u sii labanlaabay Quruxdii iyo Bilicdii Jigjiga kuwaasoo xaqiijisay isbedelada xawliga ah ee Deegaanka ka socda maalin kastana aynan Deegaanka ka qoob qaadin wufuudaha kala duduwan sida madaxda ugu saraysa DFI,Aqalka-Federationka,Madaxweynayaasha-Deegaanada,fanaaniinta-caanka,ah,Maal-qabeenada, Qorayaasha  iyo farshaxaniistayaasha Dalka oo Xaqiijinta Heerka isbedelada Deegaanka iyo Aqoon kororsiba ugu soo doonanayaan DDSI iyagoona bar-bilow ay u tahay ama ka soo bilaabaya Magaalada Godey oo xudun u ah Waxsoosaarka Dalagyada Beeraha iyo Maalgashiga ayuu yidhi Mayorku.

Masuulkan ayaa carabaabay in Baaxadii ama Qorshayaashii ugu waawaynaa ee Maamulka Magaalada jigjiga ay ugu diyaargaroobayeen marti-galinta,Qaabilaada,Isdhexgalka,kobcinta Dhaqanka iyo Muujinta Walaalnimada Shucuubta ee maalinta Hidar 29 in badankood gacmaha ka dhabaan-dhabteen Walow ay maalin kasta Qorshe hor leh uu noo yaalo ilaa iyo inta uu ka dhamaanayo Xusku magaalada jigjiga oo ay jiraan Shaqooyin Dadban sida qaabka marti-soorka,goobaha shirka,diyaarinta Aqabka Dhaqanka Deegaanka,Xidhiidhyada Deg-dega ah,Dhiraynta iyo Ilaalinta nadaafada Xaafadaha iyo wadooyinka ayuu yidhi.

waxa uu maayirku ka hadlay in tan iyo intii la shaaciyay in xuskan lagu qaban doona xarunta deegaanka Mar uu Mayorka |Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane C/risaaq Saxane uu Dul marayay Mashaariicaha kor loogu Qaadayay Bilicda Magaalada Jigjiga ee ay Dhameeyeen mudo yar gudahood aya uu sheegay in ay ebyeen 22-Wado oo kuwa xaafadaha dhexmara ahna Kuwa la-goglo Dhagaxa-Qoran(Cobble Stone),Dhirayn,laydh-galin lagu sameeyay wadada wayn iyo Waliba ayuu yidhi Saxane wadada laamiga ah ee Dhexmarta Magaalada oo Dibu-habayn iyo dayactir balaadhan lagu sameeya.

Si kor loogu sii qaado nadaafada ayaa waxaa uu sheegay maayarku in ay dawooyinka hareeradeeda iyo dhamaanba xaafadaha jigjiga la dhigay biraha qashinka lagu rido kuwaa oo wax wayn ka taraya kor u qaadida nadaafada jijiga islamarkaana ugu Baaqay Dhamaanba Qaybaha Shacabka ee Magaalada Jigjiga in ay ilaaliyaan Nadaafada kuna hubsadaan qashinka ay tuurayaan Goobaha loogu talo galay iyadoo Qoys kastaaba Gurigiisa Hortiisa masuuliyad balaadhani ka saaran tahay Ilaalinta Nadaafadiisa ayuu ku soo Gunaanaday mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane C/risaaq Saxane oo Maanta Waraysi ku siiyay wariyaha Mareegta War-Tebinta Deegaanka.

Isku soo wada Soohoo dadaalada hagar la'aaneed ee ay Xukuumada DDSI,Maamulka Magaalada Jigjiga,Hay'adaha Amniga iyo Shacabweynuhuba Galiyeen Magaalada Jigjiga ayaa marba maarka ka sii Danbeeyay cirka ku sii shareeraya Muuqaalka Qurxoon ee ay Jigjiga sanado ka dib ku haaban doonto Caasimadaha waawayn ee caalamka waana Dhaxal maguuraan ah oo Anfici Doona Guud ahaan Shacabweynaha Deegaanka Gaar ahaana Shacabka Gobolka Faafan.