Kulan looga Gol-lahaa Iskuduwida Arimaha Samafalka bini'aadanimada ee

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis Oct 31,2013.Ka dib ansixintii barnaamijka iswaafajinta shaqada iyo shaqaalaba ee afka qalaad loogu yeedho marka la soo kobo PBRka(Business Process Re-engineering) iyo dib u qaabayntii Qaab-dhismeedyada iyo laamaha Dawlada ayaa si loogu faruur xidho Qaab-dhismeedyada Deegaanada Dalka ayaa uu xafiiska BoFED uu la soo wareegay arimaha gacan ku haynta khayraadka dibada (External Resources Coordination) laga soo bilaabo markuu hirgalay isbadalka qaabdhismedkan dib loo habeeyay.

Wixii ka danbeeyay ayaa xafiiska maaliyada waxaa u suurto gashay inay dib u diwaan galiyaan (re-registration) hay’adaha aan dawliga ahayn oo gaaraya haatan 89 NGO islamar ahaantaa xafiisku wuxuu maamulaa,iskuna duwaa isla markaana maareeyaa barnaamijka DRska oo ay maal-galiyaan hay’adaha isku dhafka ee umadaha midoobay (UNJP) taasoo laga fuliyo DDSI 10 degmo oo ka mida (Gobolada Siti, Faafan, Jarar, Shabeele iyo Afdheer).

Hadaba iyadoo laga duulayo siyaasadaha iyo Qorshayaasha Horumarineed,N/galyo iyo Maamul Suuban ee degaanka eek u aadan Xafiiska Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyada Deegaanka,gaar ahaan geedi-soscodka khayraadka dibada ayaa u qabtay kulamo lagu Qaabaynayo Isku-xidhka Nidaamka shaqo ee Hay’adaha aan Dawliga ahayn iyo Qaab-dhismeedyada Dawlada islamarkaana sameeyay kormeero lagu xaqiijinayo tirada iyo tayada waxqabadka hay’adaha aan dawliga hayan,sida kulankii (GO NGO Review Meeting)25 ilaa 26 Febraayo 2013, ee ka dhacay hoteelka NOGOB GARDIEN; kasoo ay ka soo qayb-galeen tiro ku dhaw 80 hay’adood. Guud ahaan iskuxidhka Hay’adaha iyo Qaabdhismeedyada Dawlada ayaa ay Madaxda ugu saraysa Deegaanku tilmaameen in ujeedooyinka ugu waawayn ee laga leeyahay tahay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa Cududa Dhalinyarada DDSI ee ka soo kala qalinjabiya jaamacadaha iyo Kuliyadaha Dalka iyadoo laga duulayo buuxinta shuruudaha looga baahan yahay Booska shaqo ee lagu qorayo.

kulamadan ayaa Diirada lagu saarayay ka sakow Qaabaynta iskuxidhka Qaabdhismeedyada Dawlada iyo Hay’adaha Deeqda bixiya in lagu qiimeeyo Heerka waxqabadka Hay’adaha deegaanka ka hawlgala iyo baaxada la gaadhsiiyay Barnaamijyada Dhanka Horumarka Goobaha loo qoondeeyay sidoo kalana sidii hore loogu sii wadi lahaa Waxqabadka(Way Forward).

 Golahan oo ay ka soo qayb galeen wax ku dhaw 89 NGO iyo 7 ka mida hay’adaha UNta ah ee ka hawlgala Deegaanka ayaa ujeedada ama bartilmaameedka laga lahaa ay laf-dhabar u ahaayeen Qodobadan hoos ku cad. 1.Xoojinta xiriirka xafiisyada dawlada iyo hay’adaha samafalka ka ( strengthening Partnership) 2. Dhisida iyo cusboonaysiinta balanqaadka kalsoonida waxqabad ee ku aadan ka faaidaystayaasha (trust building towards target communities, and renewing humanitarian promises) 3. Soo bandhigida hawlaha qabsoomay bishii aan soo dhaafney ee September 2013 4.Soo bandhigida qorshaha bilaha soo socda November iyo wixii ka dambeeya 5.Xoojinta iyo kor u qaadida ka qaybqaadashada kulmada kale (Boosting Cluster meetings) 6.Soo bandhigida casharada wanaagasan ee laga faaidaysan karo 7. Iyo ugu dambayntii soo bandhigida waxyaabaha caqabadaha ah Nidaamka ama sidii lagu xalin karo (presenting resolvable challenges in this forum).

Natiijada Laga Filayo Kulankan:- Waxaa laga filyaa kulankan inay ka soo baxaan in haya’adahu markay diyaarinayaan mashaariicaha ay ku saleeyaan baahida degaanka iyagoo tixraac ka dhiganaya qorshaha degaanka ee mudooyinka badan ay socotay Dejintiisu,ogaanshaha heerka waqabadka ee hay’adaha samafalka, qorshaha la damacsan yahay mudada ka dhimana sanadka 2013GC oo ah tirsiga ay ku shaqeyaan hay’adaha,Qorshaha GTP iyo MDG.

Isku soo wada Duuboo Nuxurka ugu way nee ay xukuumadu ka leedahay Doorka Hay’adaha Deeqda Bixiya ugaga hawl-galayaan Deegaanka ayaa Jaantus loogaga Dhigay ka dhabaynta aragtida guud ee ah sidii loo gaarsiiin lahaa Shacabweynaha degaanka isku filaansho iyo ka bixida nolosha reer-guuraanimo TAP (Transition out of Pastoralism) si ay bulshadu uga maarmaan gar-gaarka hay’adaha (resilience approach), iyo in kulankani uu siinayo dhamaan fursad isku mid ah oo ay ku soo bandhigaan xafiisyada dawlada iyo guud ahaan hay’adaha samafalka sidii loo dardargalin lahaa loona xoojin laaha gaadhida yoolasha la dajistay ee ku aadan GTPga iyo MDGga.