Madxweynaha DFS iyo Wafti uu Hogaaminayay oo Maanta Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo.

Wafti balaadhan oo uu hogaaminaya Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa Maanta ka degay Magaalada Kismaayo, iyadoo halkaasi ay siweyn ugu soo dhaweeyeen Mas’uuliyiinta ugu saraysa Maamulka Jubaland State oo uu Hormuud u ahaa Madaxweynaha Juba Sheekh Axmed Islaan(Axmed Madoobe),Odoyaasha Dhaqanka aadka looga Qadariyo Jubooyinka iyo dad-weyne aad u farabadan.

Kooxaha baanbeyda iyo ciidamada qalabka sida ee Jubaland aya madaxweynaha salaan ku siiyay Garoonka diyaaradaha Kismaayo,sidoo kala Kooxaha Fanka ayaa ku soo dhaweeyay Madaxda Sare ee DFS Dhaantooyinka Hidaha iyo Dhaqanka Waamo aadka looga tumo halkaasoo uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu Jaanta la Helay Ciyaarta Dhaantada ahayd oo uu la jiibiyay dhalinyaradii. Waftiga Madaxweynaha ayaa madaxtooyada Kismaayo loo sii galbiyay iyadoona uu Shir Qaas ah kula Qaatay Madaxweynaha Jubaland iyo Maamulkiisa.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Kormeer uu ku kala bixiyay Meelaha ugu muhiimsan Sida Dekada kismaayo ka dib Booqasho ku tagay hoolka Shirarka Jaamacada kismaayo oo ah Bartii Dhidibada loogu taagay Maamulka Jubooyinka iyadoona xiligaa ay ku sugnaayeen Xeer-beegtii dhaqanka ee Askumay in Jubooyinku yeeshaan Maamul Hoostaga DFS halkaasna uu Mudane Xasan Sheekh Hadal ka soo jeediyay.

Waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha DFS uu soo gaaro Kismaayo tan iyo intii la doortay, waana madaxweynahii ugu horeeyay ee Soomaaliya oo mudda 23 sano kadib soo gaara Kismaayo. Imaanshaha Madaxweyha magaalada Kismaayo ayaa la rumeysan yahay inay waji cusub u yeesho Siyaasada Somaliya isla Markaasina ay meesha ka saarto Khilaafaadkii mudda dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeyay dowlada federaalka iyo Maamulka Jubaland.