Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiiska Maliyada iyo Horumarinta Dhaqalaha Ee Degmada Qarsadula Ee gobolka Afdheer oo Shaaciyay in Ay Guda-galeen Hirgalinta Mashaariicah Horumarineed ee Qorshaha Sanadkan 2006.T.I.

Qarsadule(CakaaraNews) Axad Novembar 03,2013.Si loo sugo ka warqabka iyo Guud ahaanba Xogaha waxqabadka Qaab-dhismeedyada dawlada ilaa heer Tuulo halka ay marayaan ayaa ay waayadanba Saxaafada Deegaanku gaar ahaan Camerada wareegta ee Wariyayaasha Cakaaranews ay u heensaysteen in ay dhalaaxda Heerka waxqabadka ka soo tebiyaan Dhawr Gobol oo ay wajigii 1aad ku soo ebyeen Gobolka Liibaan halka ay wakhtigan ku sugan yihiin Gobolka Afdheer warbixintoodii 1aadna ka soo qorayXafiiiska Maliyada iyo Horumarinta Dhaqalaha Ee Degmada Qarsadula Ee gobolka Afdheer. Dawlada Deeganka Somalida itoobiya ayaa Sanadkii hore iyo kanba qorshayaasheeda 1aad,2aad iyo 3aadba ahmiyada ugu balaadhan siiyay sidii bulshada Deegaanka loogaga faaiidayn lahaa Biyaha Cirka iyo kuwa dhulka hoostiisa ku jira gaar ahaan Barnaamijka biyo-ururinta Oo ah mid bulshada looga faa`iidaynayo biyaha roobka.

Hadaba mar dhawaan ay Wariyayaasha Shabakada Wararka Ee Cakaaranews ay hawlo Shaqo ku gaadheen Degmada Qarsadula oo ka mid ahayd Degmooyinkii 2sano ka hor uu baarlamaanka Deegaanku ansaxiyay kana tirsan Gobolka Afdheer. Wariyayasha Ayaa waxaa u suurto gashay inay la kulanto Madaxa Xafiiska Maaliyada Iyo Hrumarinta Dhaqalaha Degmada Qarsa-dula Mudane Maxamed Good islamarkaana ay su'aalo ka waydiiyeen heerka warbixinta Xafiiska,Xidhiidhka iyo latashiga Bulshada iyo Xadidka ay gaadhsiisan tahay waxa laga fuliyay barnaamijka biyo-aruurinta Qarsadule.

Mudane Good ayaa faahfaahin ka bixiyay Qorshayaasha Mashaariicaha Horumarineed ee Sanadkan u yaalay Degmada silooga jawaabo Baahida bulshada ku salaysan taabogalinta adeegyada aas-aasiga ah ayuu yidhi.

Masuulka Ayaa sheegay in degmada oo ka Duulaysa Qorshaha Xukumada DDSI ee ah ka midho-Dhalinta Barnaamijka Biyo Ururinta Sanadkan degmada laga Qodayo 15-barkadood kuwaasi oo hada Ka socda Goobihii loogu talo galay isla markaana la filayo in Dhawaan lasoo gabagabayn doono si ay Bulshadu uga Helaan Adeega Helida Biyaha Nadiifta ah sidoo kalana ay garab socdaan hirgalinta mashaariicaha Horumarineed ee Dhanka waxbarashada,caafimaadka iyo beeraha ayuu yidhi.

Barnaamijkan Biyo-Ururinta Ayaa ah mid Shacabku Si Dhab ah Gacanta ugu hayaan Hirgalintiissa iyo ka faaiidaysigiisaba Iyadoo Shacabka loogu abuurayo fursado shaqo laysugu xidhay Qaab Iskaashato iyadoo Xoogoda loogu badalayo lacag ahaan si ay Dhaqaale ahaan Bulshadu uga Faaiidaystaan manfac ahaana uga haqab beelaan Biyo nadiif ah iyadoona ay Arintani meesha Ka Saartay Mashaariicihii Jiitami jirtay ee ay Hal qof oo Shirkad lihi ka faaiidaysan jiray kadib markii Bulshada Xoogoda la mideeyay.