Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ururka Dhalinyarada Sedyo ee Wadanka Sweden oo Si Weyn Ugu Soo Dhaweeyay Caasimada GOTHENBURG Cali Dhaanto.

GOTHENBURG (CakaaraNews)Isniin Nov,04,2013.Ururka Dhalinyarada SEDYO Faraciisa Sweden ayaa si wayn ugu soo dhaweeyay Caasimada 2aad ee Dalka Sweden GOTHENBURG Fanaanka Dhaantada sida Darandooriga ah ugu luqeeya Cali Dhaanto oo waayadan ka furay Wadamada Scandinevianka la isku yidhaahdo Bandhig Masraxeed dhanka dhaantada ah isagoona ay ku wehelinayeen Fanaaniin Caan ku ah Heesaha Soomaaliga ah Sida Al-fanaan Xasan wado.

Dhalinyarada Sedyo-Sweden ayaa Habeenimadii sabtida ahayd isku soo dubariday Bandhig-masraxeed ay kaga bogtaan Dadweynaha GOTHENBURG iyo Nawaaxigeeda Dhaantooyinka uu cali dhaanto ugu talogalay ee ay Telifishanka ESTV ka daawan jireen,halkaasoo uu cali dhaantooyin cagta lala wada helay amaba ay la jiibinayeen ka soo qaybgalayaashii Gole ciyaareed xiiso badan ka qaaday.

Fanaaniinta Xasan Wado,cali najiib iyo saadiq sayga ayaa iyaguna Bandhigan dhaantada Doorkooda ka qaadanayay halkaasna ka qaaday Heeso madaxa loo wada ruxay.