Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxweynaha DDSI oo Guriga Martida ku Qaabilay Qaar Ka Mida Baarlamaanka iyo Ganacsatada Dalka Kenya.

Jigjiga(CakaaraNews)Saaka abaarihii 8dii Subaxnimo ayaa uu madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu ku Qaabilay Guriga Martida DDSI Xubno ka tirsan Baarlamaanka Dalka Kenya iyo Mid ka mida Ganacsatada ugu waawayn Soomaalida Kenya.

Madaxweynaha ayaa ay ku wehelinayeen Qaabilaada Waftigan Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna Hogaanka nabadgalyada iyo Cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar,Wasiirka Madaxtooyada Mudane C/casiis Maxamed iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Cabdi Xuseen(Cabdi Sonkor).

Dhanka Xubnaha la qaabilay ayaa ay ka mid ahaayeen Dr Maxamed Daahir Ducaale oo ka mida Baarlamaanka Dalka Kenya kana soo baxa Degmada Dhadhaab,Mudane Axmed Ibraahin Cabdi oo ka mida baarlamaanka ka soo baxay Degmada Ijaara Kenya iyo Ganacsadaha wayn ee Reer Kenya laguna magacaabo Mudane Bare Faarax Sahal oo Raba in uu Deegaanka maalgashado Gaar ahaan Magaalada Jigjiga iyo Godey.

Madaxweynaha iyo Xubnahan ayaa ka wada hadlay Arimo doora oo ay ka mid ahaayeen Sii adkaynta xidhiidhka,ka wada shaqaynta Arimaha N/galyada iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Dal,sidoo kalana madaxweynuhu Tibaaxay in Cid kasta oo maalgashi ku samaysanaysa DDSI ay Gacan buuxda ku siinayaan. Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha ka codsaday in uu Booqasho ku yimaado Dalka kenya walow uunan madaxweynuhu Jawaab rasmi ah ka bixinin Balse carabka ku adkeeyay in uu mar ay noqotaba uu Dalka Kenya oo ay Dawlad ahaan iyo shacab ahaanba xidhiidh aad u wanaagsan booqan doono.