Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir balaadhan oo ay Wasaarada Warshadaha DFI Soo Agaasintay Laguna Gorfaynayay Dhiirigalinta Fursadaha Maalgashiga DDSI aya Ka Dhacay Magaalada Addis-ababa.

Addis-ababa(CakaaraNews) Talaado Novembar 05,2013.Waxaynu wada ogsoonahay in Guud ahaanba DFI ay ka marag-kaceen Isbedelada Horumarineed,N/galyo iyo Maamul Suuban ee Mudo aad u yar ay ku talaabsatay Xukuumada Maanta haysa Hogaanka Deegaanka,islamarkaana Aqoon kororsi iyo waaya aragnimo loogu soo dawaafayo Deegaanka si looga tusaale qaato Nidaamka iyo Qorshayaasha ay xukuumada DDSI kaga talaabsatay Caqabadihii Badnaa ee hortaagnaa Deegaanka 3sano ka hor.

Dhanka kale Wasaarada warshadaha DFI oo waayadanba waday Dadaalo lagu dhiiri-galinayo Maalgashiga Deegaanka ayaa shir aad u balaadhan ugu qabatay magaalada Addis-ababa Dhamaanba ganacsatada iyo Maal-qabeenada ugu waawayn Dalka.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ay shirkadaha,ganacsatada iyo Maal-qabeenada waawayn ee dalku u maalgashan lahaayeen Fursadaha balaadhan ee ka jira deegaanka soomalida ee alle ku manaystay Khayraadka Dihin ee uu kaga horeeyo Deegaanada kale ee Dalka.

Sidoo kale shir-wadareedkan ayaa lagu falanqaynayay sidii ay ganacsatada waawayn ee dalku kaalin xoogan uga qaadan lahaayeen Bandhiga Carwada wayn ee Dhawaan laga furi doono magaalada jigjiga taasoo loogu talogalay Maamuuska Xuska 8aad ee Midnimida Qowmiyadaha iyo walaalnimada Shucuubta Dalka Itoobiya ee Dhawaan loogu Dabaal-dagi Doono Caasimada DDSI ee magaalada Jigjiga oo loogu talagalay xuska munaasabada maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya.

Shirkan ayaa ay ka soo qaybgaleen wasiirka wasaarada warshadaha DFI ato tadhase haylu,wasiiru dawlaha wasaarada ganacsiga DFI,masuuliyiin iyo Agaasimayaal ka socday wasaaradaha Heer-Federaal, ganacsatada ugu waawayn ee dalka halka ay deegaanka Soomaalida Itoobiya uga qaybgaleen wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka mudane c/laahi yuusuf iyo Maareeyaha Wakaalada maalgalinta mudane c/naasir.

Hadaba Warbixintan oo ka soo dustay aalada Casriga ah ee Tebinta iswaydaarashada Macluumaadka ee Mobileka ayaa wasiirka ganacsiga iyo gaaddiidka DDSI mudane c/laahi yuusuf oo khadka tilifoonka kula soo xidhiidhay wariyaha shabakada wararka ee cakaaraNews ayaa u sheegay in shirkaasi ahaa mid ahmiyad balaadhan u lahaa DDSI wuxuna sheegay in qabashadiisa ay ka danbaysay ka dib markii ay socdaal-dheer oo loogu kuur galayay ilaha-ganacsi,Khayraadka Dihin iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka ay dhawaan ku soo mareen deegaanka waftigii ugu balaadhnaa ee iskugu jiray masuuliyiinta DFI ugu saraysa,ganacatada ugu waawayn dalka itoobiya iyo madaxwaynayaasha 9ka deegaan.

Wuxuuna sheegay wasiirku in shirkaasi oo socday muddo 2 maalmooda ah siwayn loogu loogu lafa guray fursadaha ganacsiga ee ka jira deegaanka,ka faaiidaysiga khayraadka balaadhan ee illahay ku manaystay deegaanka iyo sidii ay hada ka dib ganacsatada Dalka iyo Cid kastaba loogu fududayn lahaa sidii ay DDSI u maalgashan lahaayeen.

Wasiir c/laahi yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in masuuliyiinta DFI siwayn ula soo dhaceen horumarka balaadhan xasiloonida saldhigatay ee wakhtiga gaaban sida xawliga ah uga taamyaalay DDSI wuxuuna noo sheegay wasiirku in furitaankii shirkaasi oo uu ka hadlay wasiirka wasaarada sharadaha DFI ato tadhase haylu sheegay in deegaanka somalida itoobiya ay tan iyo inta ay hogaaminta qabatay dhalinyaro leh hogaamin wanaagsan oo ay ka go'antahay waxqabadka iyo horumarinta bulshadooda uu deegaanka gaadhay horumar iyo xasilooni siwayn uga muuqata Kobaca Dhaqan-dhaqaale ee Dalka taasi oo keentay ayuu yidhi in deegaanka oo ahaa wakhtiyadii hore kuwa dib uga dhacay dhinacyada horumarka uu hada la tartamayo deegaanaddii hore u maray oo uu siwayn uga soo dhex-baxay deegaanaddii dib u dhacay.

wuxuuna wasiirku ka hadlay sida uu noo sheegay wasiir c/laahi dhinaca maaglashiga iyo khayraadka dihin ee u hodanka ku yahay deegaanku taasi oo ay ganacsatada iyo masuuliyiinta dalkuba indhahooda ku soo arkeen. Maareeyaha wakaalada Maalgalinta DDSI Mudane C/naasir ayaa isaguna Sharax dheer ka bixiyay Heerka Maalgashiga Deegaanku gaadhsiisan yahay isagoona ku amaanay Qurbajoogta DDSI in Maalgashi badan oo abuuray fursado shaqo iyo kobac dhaqaalaba ka samaysteen Deegaanka.

Sidoo kale waxa uu warku intaa ku badhxay in Dhamaanba shirkadaha ganacsatada waawayn ee ka soo qaybgashay shirkaasi in ay mudadii uu socday shirku siwayn uga hadleen fursadaha maalgashiga balaadhan ee yaala deegaanka waxayna soo bandhigeen in Deegaanka soomaalidu Buuxaan khayraad dihin oo aansidii la rabay looga faaiidaysan oo ku haboon Waxsoosaarka Saracyada Beeraha,Fursadaha Maalgashiyada heerarkiisa iyo Ganacsigaba iyagoona Sharxay Qaar maalqabeenada ka mid ahi in ay Deegaanka Soomaalida oo ay ugu horaysay aragtidiisa Socdaalkii Dheeraa ee ay dhawaan lugta ku soo mareen in ay Fursado Badan ku soo arkeen Deg degna u maalgashan doonaan.

Wasiirka ayaa ku soo gunaanaday in uu soo arkay Maalqabeenada iyo Ganacsatada waawaynee Magaalada Addis-ababa in ay tartan iyo Xusul duub ugu soo jiraan sidii ay DDSI u maalgashan lahaayeen.