Ku-Xigeenka Wakaalada Dhismaha iyo iibka Ciidamada Gaarka ah ee Booliska oo Loo Magacaabay Mudane Nasradiin Maxamed.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis Nov,07,2013.Waxaa kuxigeenka Wakaalada Dhismaha iyo iibka ee Booliska Gaarka ah loo magacaabay Mudane Nasradiin Maxamed Muxumed(Nasradiin Canab),iyadoona ay wakaaladani tahay Mid kor loogu qaadayo Kobaca Dhaqaale ee Ciidamada Gaarka ah ee Booliska Deegaanka,islamarkaana Fursado shaqo loogu abuurayo Ciidamada.

Hadaba waxaa loo rajaynayaa Mudane Nasradiin in uu Xilka cusub ee loo magacaabay u Guto si xilkasnimo,Wadaninimo iyo Daacadnimo leh Maankana ku hayo in kaalin xoogan ka qaato Ka midho dhalinta Jihooyinka Siyaasadeed iyo Kuwa horumarineed ee Dalka Sida Qorshaha 5ta Sano ee GTP iyo MDG oo labaduba ku wajahan sidii Bulshada Dalka looga saari lahaa Saboolnimada iyo Gaajada Dalkuna Sanadaha soo socda uga midnoqon lahaa Wadamada Dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.