Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxweynaha DDSI oo Shir Jaraa’id Saxaafada Deegaanka Ku Siiyay Warbixinta Sooyaalkii Taariikheed ee Deegaanku Soo maray iyo Tabihii Lagaga Talaabsaday Caqabadihii Jiray iyo Saxaafada oo Su’aalo ka Waydiisay..

Madaxwaynaha DDSI Md Cabdi Maxamuud Cumar oo shir jaraa’id ugu qabtay xafiiskiisa dhamaan Qaybaha saxaafada deegaanka ayaa waxa uu siwayn oo faah faahsan uga warbixiyay sooyaalka taariikheed iyo maraxaladihii kala duwana ee uu soomaray deegaanku xiliyadii Talisyada Shuuciga ah ay Dalka ka talinayeen Curashadii Dimoqraadiyada iyo Aqoonsiga Xuquuqaha aasaasiga ah ee Qowmiyadaha iyo Maamuladii fadhiidka ahaa ee soo maray Deegaanka intii ka horaysay Xukuumada maanta jirta haddii ay tahay dhinacyada horumarka,nabadgalayda iyo maamulka suuban iyo waliba marxaladdihii iyo Mawjadihii Gabi dhaclaynayay ee ay siyaasadeed uu soo maray deegaanku iyo isbarbardhiga heerka uu wakhti-xaadirkan uu marayo deegaanku.

wuxuuna ugu horayntii madaxwayne cabdi maxamuud cumar uga waramay saxaafada heerka nabadgalyad hada uu marayo deegaanka isaga oo sheegay in guud ahaanba xukuumadiisu ay deegaanka si buuxda uga yagleeshay Horumar iyo Nabadgelyo kalsooni galisay ka sakow shacabka Guud ahaan Dalka iyo Gobolkaba taasoo ku timid waxgaradka Deegaanka,Odoyaasha Dhaqanka iyo Xukuumada DDSI markii ay wadajir uga tashadeen iskuna waafaqeen in ay haboon tahay Abuurida Ciidamada Gaarka ah ee liyuupolice lana dejiyay Qorshe balaadhan oo lagu tirtirayo UBBO midhihii ka curtayna uu yahay kan manta lagu Naaloonayo. Madaxweynaha ayaa Tibaaxay Gumaadyadii ahliga ahaa ee ay UBBO u gaysatay Shacabka Deegaanka Sida Xasuuqii Cobale, Gunagado, Haarcad, Lahelow, Caado, Maraacaato, Malqaqa, Xamaro, Garbo,Gudhis,Bula-dari,Galaalshe,Shilaabo,Dhooboweyn iyo Meelo kale iyadoona ay UBBO ka dhaqdhaqaaqi jirtay Degaano kooban.

Madaxweynaha ayaa Sidoo kale Sharaxaad dheer ka warbixiyay Asbaabihii Boqonta hayay Horumar,Nabad waarta iyo Maamul suuban oo ka taaboqaado Deegaanka ka hor shantii sano ee u danbaysay iyo halgankii lala galay sidii loo cidhibtiri lahaa Caqabadihii soo jiray ee dad-sameega ahaa kuwaasoo uu ku macneeyay in ay lafdhabar u ahaayeen saraakiishii Soomaaliya oo buuxdhaafisay Qaabdhismeedyadii ka jiray Deegaanka aaminsanaana Aragtidii soomaaliwayn,ururkii LEEGO lagu magacaabi jiray oo ka turjumayay Soomaali wayn sida heesta calanka,Astaanta calanka iyo Manhajka Deegaanka oo ay ONLF ka midaysnaayeen,Urur kusheegii ONLF lagu magacaabi jiray ee u Xuubsiibtay UBBO oo ay Ciidamadii soomaaliya iyo ashkhaas Gaawo-Hunguriyeed la soo shirtagay hogaanka u hayeen,Qaab-dhismeedyadii jiray oo ay hafiyeen Ciidankii Soomaaliya,Soomaliweyn,Nabad-diid iyo arimo kale ayaa uu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa carabaabay halgankii lala soo galay in Guud ahaanba Deegaanka sidii cagta loogu dhulka loogu dhigi lahaa majarahabawgii siyaasadeed,Qaabdhismeedyadii nabad-diidka iyo aragtidii soomaaliwayn hadhaysay,Qabiilkii Dulsaarnimada ahaa,Musuqii iyo eexdiiba in lagu guulaystay kadib markii xididada loo siibay Dhamaanba Turunturooyinkii Caqabada ku ahaa Horumarka Sida ka sifayntii qaabdhismeedyada dawlada Saraakiishii ciidamada soomaaliya,ka sifayntii Muwaaqirka Nabaddiidkii,Suulinta aragtidii soomaaliwayn,Dejintii manhaj ka turjumaya Taariikhda iyo Dhaqanka Dalka gaar ahaan Deegaanka,Qabiilkiina meesha laga saaray isagoona qeexay in Qaabdhismeedka XDSHS oo ka soo askumay midawgii ONLF iyo Leego laga sifeeyay Saraakiishii ciidamadii soomaaliya,Aragtidii soomaaliwayn,Nabad-diidkii iyo Aragtidii Dulsaarnimada ka dibna la dejiyay Jiho Siyaasadeed oo la jaanqaada Asxaabta bahwadaagta siyaasadeed ee Dalka kana turjumaysa ka jawaabista baahiyaha shacabka u horseeda Horumar waara iyo nabadgalyo lagu kalsoonaan karo.

Mar uu madaxweynahu ka hadlayay tabihii keenay in lagu guulaysto in uu Deegaanka ka taabogalo Horumar waara,Nabadgalyo kalsooni galisa Shacabweynaha iyo Maamul suuban oo hanta ka jawaabista Baahiyaha Shacabweynha Deegaanka Dhinacyada Adeegyada aas-aasiga ah sida waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha,Beeraha iyo isgaadhsiinta ayaa uu si qoto-dheer uga faalooday……

La Soco Qaybta 2aad ee Warbixinta Shirka Jaraa’id ee uu Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Siiyay Saxaafada Deegaanka iyo Su’aalihii ay Saxaafadu ka waydiisay iyo Jawaabtuu ka bixiyayba.