Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Mayorka Maamulka Magaalada Godey oo Daboolka Ka Qaaday in ay Natiijo Wax ku oola Ka gaadheen Dhisida,Tababarida iyo Kobcinta Awooda Shirkadaha yar yar.

Godey(CakaaraNews)Qorshayaasha Horumarka iyo Kobaca dhaqaale ee degdega ah Dajiyeena DFI iyo XDDSI oo kala ah Qorshaha 5ta Sano GTP iyo Qorshaha Horumarinta Qarniga MDG ayaa ay faracyadooda ugu waawayni ay ka mid tahay sidii loola dagaalami lahaa Saboolnimada iyo Cunto yaraanta iyadoo Fursado shaqo iyo ilo-Dakhli loo abuurayo Dadka danyarta ah ee Deegaanka ku nool. Wakaalada Horumarinta Shirkadaha yar-yar (Warshadaha Yar-yar)ee Deegaanka(Small Scale Enterprise) ayaa ka mida shirkadaha loo abuuray ujeedooyinka laga layeehay laga leeyahay la-dagaalanka saboolnimada islamarkaana loogu abuurayo Fursado shaqo iyo Dhigaalba iskaashatooyinka iyo Warshadaha yar-yar ee ka jira Deegaanka iyadoona suuq loogu raadinayo waxsoosaarkooda kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa ugu waawayn waxqabadka wakaalada A-Curinta Abuurida Fursado Shaqo B-Horumarinta iyo Daraasaadka Suuqyada waxsoosaarka Shirkadaha yaryar C-Dhisida,Tababarada iyop Kobcinta Awooda shirkadaha yaryar ee Deegaanka.

Hadaba mar uu fursad Khadka Telefoonka ah uu ku helay wariyaha Camerada Wareegta ee Cakaaranews Moyorka Maamulka Magaalada Godey Mudane Kulmiye Maxamed Dool iyo Madaxa Wakaalada Horumarinta Iskaashatooyinka iyo Warshadaha yar yar Mudane Maxamed Sahal maxamed ayaa uu wax ka waydiiyay sida uu uga dhaqangalay Magaalada Godey Dhiirigalinta Shirkadaha yar-yar ee ka jira Godey si bulshada loogu abuuro Fursado shaqo iyo Ilo-Dakhli. Madaxa Wakaalda Mudane Sahal ayaa tibaaxay in magaalada Godey ay ka abuureen barnaamij lagu dhiirigalinayo Adeega shirkadaha yar-yar taasoo loogu abuurayo Fursado shaqo iyo ilo dakhliba kana faaiideysteen in ka badan 5000 oo ruux ayuu yidhi.

Sidoo KaleMudane Maxamed Sahal ayaa carabaabay in ay natiijo fiican ka gaadheen 7da Sector ee Dhiirigalinta waxsoosaarka Shirkadaha yar-yar kuwaasoo ay ka mid yihiin A-Shirkadaha Cuntada B-Shirkada Dhirta iyo Alwaaxda C-Shirkada Beeraha D-Shirkadaha Adeega Nadaafada(Municipiality Service) E-Shirkadaha Dhismaha(Construction) F-Shirkadaha Cobble-Stoneka G-Shirkadaha Hargaha,Saamaha iyo Farshaxanka ayuu yidhi.

Mar uu masuulka ka hadlayay Sectarada ay Natiijada wanaagsan ka gaadheen ayaa uu qeexay in Maamulka magaalada Godey uu heer fiican ka gaadhay waxsoosaarka Shirkadaha yaryar ay ka kooban yihiin 4 ka mida 7da sector wallow 3da kalena bilow fiican ka jiro kana midka yihiin 1-Shirkadaha nadaafada Magaalada Godey oo ka kooban labo midkiina ay ku bahoobeen in ka badan 70 haween ah ayaa u abuuray in ka badan 2000 oo Ruux Fursado Shaqo Dhigaal ama Ilo-dakhli ah u abuuray 2-Shirkadaha Cuntada 3-Shirkadaha yar-yar ee Beeraha iyo Shirkadaha Dhirta iyo Alwaaxa ayuu yidhi.

Dhanka kale Mayorka Magaalada Godey Mudane Kulmiye Maxamed Dool ayaa Carabka ku Dhuftay kuna ladhay Warbixiintii Maxamed Sahal in ay ka mid tahay Iskaashatooyinka iyo Shirkadaha yaryar ee natiijada fiican laga gaadhay Iskaashatada Saabuunta oo Warshad soo saarta 2dii saacba 300 Xabo oo Saabuun ah kana gudbay Markii ay Dhigaal ama dakhli fiican ka heleen Fursadihii shaqo ee loo abuuray Shirkadihii yar-yaraa,taasoo xaqiijinaysa Odhaahdii uu Raysal-wasaare Meles Senawi halku-dhega uga Dhigay Kobaca Dhaqaale ee Dalka ahaydna”Magaalooyinka Dalkeenu Waxay Noqon Doonaan Meelaha ay Ka Soo Askumaan Warshaduhu”.

 

Isku soo wada Duuboo Waxaa Bisha Hidar 10keeda ee Sanadkan ka bilaabmi doona Todobaadkii Tartanka magaalooyinka Dalka oo in ka badan 180 magaalo ku tartami doonaan.