Ra'yiga Dadweynaha Ku Biiri Fikirkaaga Xuska Maalinta HIdar 29"Hal Saac Barnaamij Afka Amxaariga Ku Baxa".

Jigjiga(CakaaraOpinion) Axad Novembar,10,2013. Waxaan Ku Talin Lahaa in Barnaamijyada Ka Baxa Telefishanka ESTV in Lagu Daro Barnaamij hal saac ah oo ku baxa Afka Amxaariga si Shacabweynaha Reer Itoobiya ee aynu Wadaagno Dalka balse luqadaheenu kala duwan tahay ay ula socdaan Waxqabadka,Dhaqanka,Taariikhda iyo Heerka uu marayo Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaan rajaynayaa in ka hor Xuska Hidar 29 ee ka dhici Doona Magaalada Jigjiga in si jacaylkeena iyo wadanoolaanshaha walaalnimo ee Qowmiyadaha iyo Shucuubta inaga dhaxeeyaa u sii labanlaabno in aynu wada wadaagno barnaamijyada iyo luqadaha ka baxa Telefishanka Caalamiga ah ee ESTV lagu daro 1saac Barnaamij Ku Baxa Afka Amxaariga.

F.G:Ku soo Dir Fikirkaaga ku aadan Xuska 8aad ee Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo Walaalnimada Shucuubta HIdar 29 E-mailkan This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.