Munaasabad Ay Ku Qalinjabiyeen Arday Dhan 50 Gabdhood oo Ay Wasiirada Arimaha haweenka,Dhalinyarada iyo Caruurta DDSI Ay Kula Dardaarantay.

igjiga(cakaaraNews) Isniin Nov,11,2013. Xukuumada dawlada deegaanka soomalida itoobiya oo ka duulaysa qorshayaasha-horumarineed ee u yaala dalka iyo deegaankaba ayaa waxay si gaarka diirada u saartaa hadba qorshala lagu dhimayo saboolnimada islamarkaana kor loogu qaadayo koboca- dhaqaalaha deegaanka si uu dalku u tiigsado wadamada dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

Haddaba xafiiska arimaha haweenka,caruurta iyo dhalinyarada DDSI ayaa Doorkiisa waxa uu kor u qaaday sanaddihii ugu danbeeyay xirfadaha shaqada loogu abuurayo dhalinyarada Deegaanka maadaama ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarka Hrumarka deegaanka ama Cudua Dawladi leedahay taasoo lagama maarmaan ka dhigaysa in Dhalinyarada loo abuuro Fursado Shaqo iyo ilo-dhaqaale ay ku maareeyaan meertadooda nololeed.

ka sakow Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee ka soo qalinjabiya Jaamcadaha iyo Dalka oo lagu kala meeleeyo xafiisyada ay la xidhiidho Aqoonta ay soo barteen Heer-deegaan,Gobol,Degmo ayaa iyana loo baahan yahay in Dumarka iyo Dhalinyarada kale ee ay Heerkooda waxbarasho liidato loo abuuro Fursado Shaqo. xafiiska Arimaha Haweenka,Dhalinyarada iyo caruurta DDSI ayaa tababaro kala duduwan sanadkiiba Siiya Dumarka Deegaanka si loogu aburo Xirfad shaqo loogu abuuro Ilo-dhaqaale iyadoo loo samaynayo IskaashatooyinSharciyadooda loo dhamaystiray,talaabadanoo Qoysas badan Noloshooda iyo Heerka dhigaalkoodaba kor u soo qaaday.

Dhalinyarada noocan ah oo aynan hore ugu suurtogalin Fursadaha Waxbarasho iyo xirfadaha Shaqo la daalaadhici jirayna Shaqo la'aantooda iyo Maarayntooda Nololeed ama Quutal-yonka ayaa 3dii sano ee ugu danbaysay kaa faaiidaystay Qorshayaasha Xukuumada ee ku aadan Abuurida Fursado Shaqo iyo Xirfad ay dhalinyaradu ku shaqaystaan Sida Dhagaxa-Qoran,Goglida Dhagaxa Qoran,samaynta Alwaaxyada,Biraha,Cuntada iyo Tolida Dharaba.

Haddaba waxaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee machadka maaraynta DDSI xaflad qalin jabin ah oo ay ku qalin jabiyeen 50 hablood oo muddo 4 bilood ah baranayay isticmaalka Aalada computerka oo uu Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Dhalinyarada DDSI uu Kafaala-qaaday Dhmaanba Kharashyada ku baxaya tababarida Gabdhahan,islamarkaana Waxbarashada ku qaadanayay Machadka Maareynta DDSI. Munaasabadan oo ay ka soo Qaybgaleen wasiirada xafiiska arimaha haweenka marwo Raxma suldaan maxamuud haybe,ku xigeenka maareeyaha mah’cadka maraynta DDSI mudane Sanay xasan Raage, Ardayda qalin jabinaysay waalidiintooda iyo waliba marti sharaf kale.

Waxaana ugu horayntii ka hadashay xafladaasi wasiirada arimaha haweenka marwo Rarma suldaan maxamuud haybe oo siwayn uga warantahay ahmiyada ay leedahay waxbarasha lagu kobcinayo aqoonta haweenka deegaanka waxayna wasiiradu sheegtay in ayna markani ahayn markii ugu horaysay ee ay arday noocan oo kale xafiisku siiyay abuurida aqoon ay ku shaqaystaan balse ay tahay markii 5 aad oo ay ka qalin jabiyaan arday noocan oo kale ah sanadihii ugu danbeeyay, kuwaasi oo bay tidhi hada siwayn ugu shaqaysta xirfadihii la baray, waxaa kale oo ay wasiiradu tibaaxday in qorshayaasha xukuumada deegaanka u yaala ay ka mid tahay in siwayn loo tir tiro saboolnimada islamarkaana xirfado shaqo loogu sameeyo dhalinyarada aan markii hore helin xirfado shaqo.

Sdoo kale waxay sheegtay in ay qalin jabintani kaga duwan tahay kuwii hore in ay ku soo hagaagtay wakhti ay xukuumadu iyo shacabka deegaankuba ku jiraan soo dhawaynta iyo qaabilaada martida ka soo qayb galindoonta xuska maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya oo ay dabaal dageeda inaga xigto mudo dhan 28 maalmood. Waxayna wasiiradu ugu danbayntii ku boorisay ardaydan maanta qalin jabisay in ay sidii loogu tala galay uga faa’iidaystaan ugana faa’iideeyaan bulshadooda.

Dhanka kale waxaa isaguna ka hadlay xafladaa qalin jabinta ku xigeenka maareeyaha mahcadka maayanta DDSI mudane Sanay xasan Raage oo sheegay in uu maanta siwayn ugu faraxsan yahay xafladan ay ku qalin jabinayaan hablahan uu xafiiska arimaha haweenku siiyay fursadan waxbarasho,Wuxuuna siwayn uga waramay ahmiyada ay leedahay hablahan u leedahay barashada isticmaalka aaladan cumputerka.

Dhankooda hablihii ka qalin jabinayay ayaa waxay abaalmari gudoonsiiyeen wasiirada arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarada marwo raxma suldaan maxamuud haybe taasi oo ay ku abaalmariyeen dadaalada dheeriga ah ee ay siiso sidii ay xirfadaha shaqo ugu abuurilahayd hablaha dhalinyarada ah deegaanka iyo waliba waxqabadka balaadhan ee ay tan iyo intii ay qabatay masuuliyada xafiiska arimaha haweenka sida wayn muuqda u muujisay wasiirad raxmo.

Ugu danbayntii waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay abaalmarino hablihii galay kaalmaha hore waxaana si wada jir ah u gudoonsiiyay abaalmarinadaa wasiirada arimaha haweenka iyo mudane sanay.