Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Loogu Qabtay Magaalada Jigjiga 120 Xubnood oo Ka Mida Hogaaminta Dhexe ee Maamulada Degmooyinka Ayaa Soo Gab-gaboobay.

Jigjiga(cakaaraNews) isniin ov 11,2013.Si Looga Baxo Saboolnimada Islamarkaana Kor loogu Qaado Wax-soosaarka Dalagyada Beeraha Iyo Dhaqaalaha Dalka Ayaa Waxa Ay Salaxday ama Dhigatay Dawlada Jamhuuriyada Dimuqraadiga Federalka Itoobiya Jihooyin Iyo Siyaasad Cad Oo Ku Wajahan Dhanka Horumarinta Beeraha Iyadoo Lagu Saleynayo Jihooyinkan Ka Faa’ideysiga Kheyraadka Webiyada Dalka iyo Dooxooyinka Si Kor Loogu Qaado Wax-soosaarka Beeraha.

Sidoo kale Xukuumada DDSI Ayaa Dhankeeda Dajisay Siyaasada Lagu Horumarinayo Bulshada Xoolo-Dhaqatada ah looguna badalayo Xoolo-dhaqato-Beeralay xoogooda kula soo baxa Dalagyada Beeraha si Goobo cayiman ay dawladu ugu gaadhsiiso Dhamaanba Adeegyada aas-aasiga iyotaageerada Qalabka Beeraha ay u baahan yihiin sida matoorada waraabka,Midha Abuurka taysan,Tababarada Qodaalka,Caafimaadka iyo Waxbarashadaba.

Xukuumada DDSI ayaa Ahmiyad Balaadhan Siisay Barnamijka ka faaiidaysiga Khayraadka Wabiyada iyo Dooxooyinka ee Dibu-Dajinta Qoysaska Kasoo Ah Mid Lagu Daryeelayo Bulshada Xoolo Dhaqato-Beeralayda Ah Looguna Badalayo Noloshi Hore Ee Raacatanimo Da Ahayd Xoolo-Dhaqato Beeralay leh Nolol Degen Oo Xasiloon Kana Wanaagsan Tii Hore Iyadoo Looga Faiideynayo Kheyraadka Wabiyada Degaanka Somalida Itoobiya.

Hadaba Si Aarimahani Loo Taabo Geliyo Ayaa Wasaarada Beeraha Ee Federalka Iyo Xafiiska Xoolaha Beeraha Iyo Horumarinta Reer-Miyiga DDSI Oo Iskaashana Ayaa Waxa Ay U Qabteen Kulan lagu gorfaynayay Qorhayaasha iyo daraasaadka Dhanka ka faaiidaysiga 120 Xubnood Oo Ka kala Socday 5 Gobol Oo Kala Ah Faafan ,Jarar, Siti , Nogob Iyo Doolo.

Dhanka kale Kulankan ayaa Ay Goob Joog U Ahayeen Madaxweyne KuXigeenka Ahna Wasiirka wasaarada Caafiaadka DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,Wasiiru-Dawlahada wasaarada Beeraha ee DFI Mudane Wandrat Wendasaw,Wasiirka Xafiiska Maaamulka DDDSI Mudane C/casiis maxamed, Wasiirka Xafiiska Xoolaha Beeraha Iyo Hor. Reer Miyi DDSI C/risaaq Cali Baashe iyo Wasiiru Dawlaha Beeraha Ee Federalka .

Dulucda iyo Ujeedada looga gol lahaa Kulankan ayaa Ahaa Ama Ku Qotomay Sidii Xubnahani la isugu yeedhay oo ka koobnaa Hogaaminta-Dhexe Ee Maamulada Degmooyinka Fahan buuxaLooga Siin Lahaa Wadciga Ku Aadan Siyaasada Horumarinta Beeraha iyo waxsoosaarka Ee Guud Ahaan Dalkan Itoobiya gaar Ahaana Degaanka Somalida Itoobiya Iyo Sidii Loogaga Faaideyn Lahaa Kheyraadka Webiyada iyo Dooxooyinka ee Degaanka Somalida Itoobiya Bulshada Xoolo-dhaqatada ah si loogu abuuro nolol degan oo xoolo-dhaqato-beraley leh Nolol Degan oo tayo iyo Kobac Dhaqaale leh .

Hadaba Waxaa Xidhitankii Kulankani Ka Hadlay Madaxweyne Ku Xigeenka Ahna Wasiirka Cafimaadka DDSI Mudane : C/Fataax Max’ud Xasan Ayaa Sheegay In In Loo Baahanyahay In Si Wanaagsan Looga Faideysto Kheyraadka Dalka Si Dalku Uu Uga Mid Noqdo Wadamada Dhaqalahoodu Dhexdhexaadka Yahay Islamarkaana Looga Baxo Sabolnimada iyo cunto yraanta.

Waxaa Sidoo Kale Kulankani Ka Hadlay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Beeraha Ee Federalka Ato Wandrat Wendasaw Isagoona Tilmaamay In Beeruhu Ay Yihiin Aas Aaska Dhaqaalaha Horumarka Bulshada Iyadoo Sidoo Kalena Uu Xusay Masuulku In Beeruhu Ay Lafdhabar U Yihiin Dhaqaalaha iyo Kobaca Nolosha ee Dalka Islamarkaana Xusay In Meelaha Ugu Horeeya Ee Bulshadu Ay Ka Helaan Dakhliga Iyo Cuntaduba Ay Yihiin waxsoosaarka Beeraha Loona Baahanyahay Sidii Loo Xoojinlahaa Wax-soosaarka Beeraha Si Loo Xaqiijiyo Barnaamijka Damaanad Qaadka Cuntada(Food Security).

Masuulkan ayaa Ka Codsaday Masuuliyiinta Hogaaminta Dhexe Ee Maamulada Degmooyinka Sidii Ay U Hirgelin lahayeen Nidaamka Ku Wajahan Siyaasada Horumarinta wax-soosaarka Beeraha Si Loo Gaadho Yoolasha Uu Dalku Hiigsanayo .

Waxaa Sidoo Kale Hadalo Dardaaran Ah Usoo Jeediyey Xubnahaasi Maamulada Degmooyinka Wasiirka Xafiiska Xoolaha Beeraha Iyo Horumarinta Reer Miyiga DDSI Mudane : C/Risaaq Cali Jaamac Uu Ku Booriyey Maamulada Degmooyinka In Ay Noqdaan Dad Uu Ku Jiro Dareen Wadani Nimo Islamarkaana Ka Miho Dhaliya Siday Uga Soo Bixi Lahayeen Xilka Iyo Waajibaadka Shaqo Ee Ay Bulshada U Hayaan Sidoo Kalana Ku Booriyey Sidii Ay Uga Soo Bixi Lahayeen Kaalinta Ay Ku Leeyihiin Hirgelinta Iyo Ku Wacyigelinta Bulshada Xoolo Dhaqato Beeralayda Ah Siyaasada Horumarinta Beeraha .

Ugu Danbeybtii Kulankani Wadatashiga Oo Socday Mudo 3 Malmood Ah si wadajir ahna Ay Iskaga Kaashadeen Wasaarada Beeraha Ee Dalka Iyo Xafiiska Xoolaha Beeraha Iyo Hor. Reermiyiga DDSI .