Tababar Habka Xog-ururinta iyo Daraasaadka ee Hawlaha uu KaQabto DDSI Mashruuca Wash oo Loo Qabtay Qaar Ka mIda Sarkaalada Xafiisyada Heer-Deean.

Jigjiga(CakaaraNews) Talaado Nov,12,2013.Tababar Ay Iska Kaashanayeen Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha DDSI,Wasaarada Kheyraadka Biyaha Tamarta Iyo Waraabka Ee Federelka Iyo Hay’ada Unicef oo ay Ujeedadiisu Ahayd Sidii Loo Sameyn lahaa Darasaad Xog aruurin ah Ah Oo Ku Aadan Dhinaca Gaar Ahaana Mashruuca Loo Yaqaana WASH Program Waxaana Tobabarkani Ka Qayb Qaadanaya 45 Xubnood Oo Laga Soo Kala Xulay Xafiiska-Horumarinta Kheyraadka Biyaha DDSI, Xafiiska Waxbarashada Xafiiska Cafimaadka Iyo Xafiiska Maaliyada Horumarinta Dhaqaalaha DDSI.

Sidoo kale Tobabarkani ayaa Ay Ka Qayb Qaadanayaan Khabiiro Ka Socday Wasaarada Kheyraadka Biyaha Tamarta Iyo Waraabka Ee Federelka Iyo Lataliyayal Ajinabi Ah Oo Ka Socday Hay’ada Magaceedu yahay marka la soo Gaabiyo AKFO.

Tababarkan noociisa ayaa ah Kii Ugu Horeyeeyey Ee Loo Qabto Tababarayaasha Tababarada TOT(Trainer of Trainees) kaasoo Ku Aadan Dhinaca Dhinaca Biyaha oo loo adeegsanayo Technologyada Casriga Ah gaar Ahaan Xog-Ku Ururinta MobileDa Casriga Ah Oo Laga Sameeyo Guud Ahaanba Dalka Iyadoo Darasaad Noocan Oo Kale Ahna Oo Ku Aadan Mashruuca Loo Yaqaano WASH Program Laga Sameyey 8 Degaan Ee Kale Ee Dalka Balse Kan Hada Degaanka Somalida Laga Sameynayo Uu Yahay Midka Duwan Oo Loo Adeegsanayo Technologyada Casriga Ah Xogta Hada Larabo In Laga Sameeyo Dhinaca Biyuhuna Ay Tahay Mid Lagu Soo Ururinayo Technologyada Casriga Ah Oo Loo Adeegsanayo Xog Ururinta Mobileda Loo Yaqaano “Smart Phone” Oo Xogta Lagu Soo Ururinayo .

Hadaba Tobabartayaasha Qaadanaya Tobabarkani Ayaa Iyaguna Sii Tobabari Doona Xog Ururiyayaasha Ka Hawlgeli Doona Dhamaan Gobolada Iyo Degmooyinka Degaanka Somalida Itoobiya Uu Ka Koobanyahay Oo Laga Sameyn Doono Xog Ururin Dhab Ah Oo Ku Aadan Dhinaca Biyaha Gaar Ahaana Mashruuca WASH Program Oo Loogu Kuur Geli Doono Qaabshaqeedka Ceelasha Biyaha , Schoolada , Health Centerada Iyo Health Postyada Nidaamka Iyo Qaabka Biyuhu Ay Ugu Shaqeyaan Xarumahaasi.

Ugu Horeyn Furitaankii Waxaa Ka Kulankaasi Hadalka So Jeediyey Gadh-wadeenka Geedi Socodka Daryeelka Fidinta Maamulka Ilaha Biyaha Ee Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha DDSI Mudane: Max’ed Axmed Biixi Oo ka warbixiyay faaiidada ay u leedahay Deegaanka Technologiyadn iyo Hawlaha mashruuca Wash uu ka qabto taasoo Qayb ka ah qorshayaasha xukuumada dhanka biyaha.

Mudane biixi ayaa Kula Dardaarmay Tobabarayaasha Tobabarada In Tobabarkani Ay Uga Faideystaan Sidii Loogu Tala Galay Si Iyaguna Aqoonta Ay Heleen Ay Usii Gudbiyaan Ayna Uga Sii Faideyaan Tobabartayaasha Kale Ee La Rabo In Xogaha Dhabta Ah Ee Dhinaca Biyaha Ah Ay ka Soo Ururiyaan Goobaha baahida biyuhu ka jirto.

Dhanka kale Masuuliyintii Kale Ee Ka Socotay , Wasaarada Kheyraadka Biyaha Tamarta Iyo Waraabka Ee Federelka Ayaa Iyaguna Ka Hadlay Madashii Tobabarkani Ka Socday Iyagoona Kula Dardaarmay Xubnahan Tobabarayaasha Tobabarada In Sidii Loogu Talagalay Ay Uga Faideystaan Tobabarkani Ayna Muujiyaan Ka Go’onaansho Iyo Firfircooni Dheeri Ah Oo Ay Kaga Faideysanayaan Tobabarkan Madaama Uu Yahay Mid Casri Ah Islamarkaana Xogta Lagu Sameynayo Oo Ay Tahay Mid Ka Duwan Xogihi Hore Ee Lasoo Ururin Jirey Oo Lagu Sameynayo Technologyada Casriga Ah Gaar Ahaana Mobileda.

Kuna Booriyey Xubnahan Tobabaraaasha Tobabarada Mudada Ay Qaadanayaan Tobabaradani In Ay Ka Faideystaan Islamarkaana Meelaha Uu Mad Madowgu Kaga Jiro Ay Turxaan Bixiyaan Si Ay U Helaan Aqoon Dhameystiran Si Ay Ugu Sii Gudbiyaan Daraasaadka Iyo Xog Ururinta Dhinaca Biyaha Ee Larabo In Laga Sameyo Degaanku Si Ay U Noqoto Sax Ah Oo Ujeedadii Laga Lahaa Lagu Guuleysto Midho Dhalna Ay U Noqoto Xog Ururinta Ku Aadan Dhinaca Biyaha Gaar Ahaana Mashruuca Loo Yaqaano WASH Program .