Madaxweynaha DDSI iyo Xukuumadiisa Ayaa Dhambaal Murugo Leh u Diraysa Dawlada Puntland iyo Dadkii Ku Waxyeeloobay Masiibadii Ay Ku Nafwaayeen ee Ka Dhalatay Duufaan Wadatay Roob iyo Dabaylo.

Jigjiga(CakaaraNews)Madaxweynaha DDSI iyo Golaha Capinetka ayaa uga tacsiyaynaya Maamulka Puntland iyo Shacabkaba Geeridii,Dhaawacii iyo Barakacii ka dhashay Duufaan wadatay Roob lixaad leh iyo Dabaylo sababay in ay Dad iyo Duunyo badani ku nafwaayaan,qaar kalana ku dhaawacmaan halka Xoolo aan Tiradooda la qiyaasi karin iyo Guryaba ay ku baaba'een.

Duufaankan oo watay Dabaylo iyo mahiigaan Roob ayaa sida warku nagu soo gaadhayo ka kacay Deegaano ka mida Xeebaha Puntland iyo Buralayda Godan halkaas oo ay Shacab badan oo isugu jiray caruur iyo Maatiba ay Masiibadani sababtay in ay ku nafwaayaan. Xukuumada DDSI ayaa ilaahay uga baryaysa in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo Shacabkii ku geeriyooday masiibadan Qoysaskii iyo ehelkii ay ka baxeen marxuumiintana janatul fardawsa ka waraabiyo. aamiin aamiin.