Bisha-Hidar 5teeda oo Loo Aqoonsaday Maalinta Baroor-diiqda Xasuuqii iyo Uurkutaaladii UBBO ay Ka Gaysatay Deegaanka oo Dalka iyo Dibadaba Lagu Xusi Doono Maalinta Berito ah.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco Novembar 13,2013.Wasiirka wasaarada Xidhiidhka Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI Mudane Maxamed Guure Bisle oomaanta Shir Jaraa'id ugu Qabtay Xafiiskiisa Dhamaanba Saxaafada Deegaanka ayaa Si Qoto-dheer uga warbixiyay xasuuqii,Dibindaabyadii,Dhacii,Kufsigii iyo Gumaadkii ahliga lahaa ee aynan UBBO u aabo yeelin una gaysatay Dadka Biri magaydada iyo ah,DhalinyaradaRag iyo haweenba.

Wasiirka ayaa Sidoo kale Muqaal Murugo leh oo ka turjumayay Xasuuqii iyo Kufsigii Dad-sameega ahaa ee Ay UBBO Dhaxalsiisay Deegaanka sida Dhalinyaro ay Xasuuqee,waayeel ama Ciroole ay Afaafka Aqaladooda oo ay jaqaaqda hayeen Caruurtii ay Dhaleen Horteeda Ku Dileen ama ku gubeen,Shacab ay Dhegha,carabka,gacmaha,Lugaha ama Xubnaha taranka ka Gooyeen iyo Qaracan kaleba.

Hadaba Wasiirka ayaa Tibaaxay In Dhamaanba 9ka Gobol,68da Degmo iyo Dhamaanba dalalka Dibada ee ay Qurbajoogtu ku sugan tahay lagu Qaban Doono Maalinta Berito ah Kuna Beegan Bisha Hidar 5teeda oo loo Aqoonsaday Maalinta baroordiiqda DDSI ee Xasuuqii,Kufsigii,Dhacii iyo Dilkii ay UBBO dhaxalsiisay ama u gaysatay Qaybaha Shacabweynaha Deegaanka.

Isku soo wada soohoo Maalinta Beri ah ayaa la filayaa in Garbasiman ay uga Wada Dhacdo Caasimada Deegaanka,Gobolada,Degmooyinka iyo daafaha Dunidaba Maalinta baroordiiqda uurkutaaladii iyo Xasuuqii ba'naa ee ay UBBO sida ulakaca ah ula beegsatay Shacabweynaha DDSI oo loo aqoonsaday 5ta Hidar.