Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maamulka Magaalada Jigjiga oo Gacanta Ku Haya samaynta 20Wado oo Cobble-Stone ah iyo 4 Wado oo Laami ah.

Jigjiga(cakaaraNews) Arbaco Nov 13,2013. Waxaa si balaadhan uga muuqata caasimada DDSI ee magaalada Jijiga diyaar-garaw aad u balaadhan oo ku wajahan kor uqaadida Bilicda Magaalada,Kordhinta Tirada wadooyinka Laamiyada ah ee ka Jira Caasimada iyo Goglida Dhagaxa Qoran Badanka Wadooyinka 10ka Xaafadood ee magaalada Jigjiga,Dayactirka Wadooyinkii sii jiray,Qurxinta iyo laydhadh galinta Wadooyinka Siiba wadada Halbawlaha Magaalada JJ u ah.

Mudane C/risaaq Saxane oo ah Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga oo waxaan ka badnayn labo bilood ka hor laga soo badelay mayorka Maamulka Magaalada Qabri-dahare ayaa wax wayn ku soo biiriyay Bilicda,Qurxinta iyo Dhismayaasha Mashaariicaha Wadooyinka Magaalada Jigjiga ayaa mar uuwariyaha mareegta warlaliska ee CakaaraNews And Video wax ka waydiiyay Heerka ay marayaan mashaariicaha Diyaargarawga xuska Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo Walaalnimada Shucuubta HIdar 29 ee Dhawaan magaalada Jigjiga ka Dhici doona iyo Baaxada Qaabilaada iyo martigalinta Wufuuda iyo Ergooyinka ayaa uu sharax ka bixiyay yidhina.

Mudane Saxane ugu horayn waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha DDSI Mudane CMC iyo Xukuumadiisa oo kaalin xoogan iyo Taageeraba la garab istaagtay sidii Guud ahaan Deegaanka gaar ahaana Caasimada Deegaanka oo ah magaalada Jigjiga laga taabogaliyo Qorshayaal talantaali ah oo kor loogu soo qaadayo Bilicda,Quruxda,nadaafada iyo Dhismayaasha Mashaariicaha Horumarineed Sida Laamiyada,Dhagaxa la goglo,Dhiraynta,laydhadhka si ay mudo gaaban Magaalada Jigjiga ula tartanto Dhan kasta Magaalooyinka Waawayn ee Dalka iyo Caalakaba Waana Mid Daliil ka dhigaysa hadii ay sidan Mudo 5sano ah kaliya ku sii socoto in loo soo Daawasho tagi Doono xarunta Deegaanka Jigjiga ayuu yidhi.

Mayorka Maamulka Mgaalada JJ Mudane C/risaaq ayaa mar uu ka hadlayay Heerka Diyaargarawga Xuska Hidar 29 iyo martigalinta Ergooyinka Dhawaan ku soo fool leh magaalada Jigjiga oo ah halka ay ka dhici doonto Xuska Qaran ee Maalinta Hidar 29 ayaa uu sheegay in ka sakow Dhismayaasha Mashaariicaha waawayn ee soo gabagaboobay ay ka hor 29ka Hidar soo gabagabayn doonaan Dhismaha 4 Wado laami ah iyo 20 wadooyinka Dhagaxa Qoran laga Sameeyay(Cobble-Stone) ayuu Yidhi.

Dhanka kale warka ayaa intaa ku daraya In Mar uu Wariyuhu la kulmay Madaxa Maaliyada Maamulka Magaalada Jigjiga Cabdirisaaq Maxamud wax ka waydiiyay Heerka Cad-cadaanta iyo islaxisaabtanka Qul-qulka Miisaaniyada oo ah halbawlaha suurto-galinta Horumar iyo Kobac-dhaqaale sidoo kalana uu wariyuhu waydiiyay Heerka mashaariicaha hada gacanta lagu hayo iyo Fursadaha Shaqo Abuurka.

Masuulkan ayaa Tibaaxay in Mashaariicaha ugu danbeeyay Rubacan Dhanka Qorshaha ay ka koobnaayeen 20 Wado oo Dhagaxa la Qoro ah iyo 4wado oo Laami oo ay badankoodii dhamaadeen,iyadoona ay fulinayaan Iskaashatooyin ay ku bahoobeen dadkii danyarta ahaa ee xukuumadu fursad shaqo u abuurtay kana heleen Fursad shaqo Mashaariicdan in ka badan 700 oo qof.