Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kormeer Hawleed oo Ay Madaxda wasaarada Beeraha DFI iyo DDSI ku Tageen Degmada Tuli-Guuleed

Wafti uu Hogaaminayey Wasiirka Xafiiska Xoolaha Beeraha Iyo Horumarinta Reer Miyiga Ee DDSI Mudane C/risaaq Cali oo uu Ku wehelinayay Wasiiru-dawladaha wasaarada Beeraha DFI ayaa kormeer hawleed ku tagay Degmada Tuli guuleed oo ka mida Goobaha ugu badan Waxsoosaarka Saracyada Beeraha Deegaanka. Degmadan ayaa caan ku ah waxsoosaarka Dalagyada Beeraha iyadoona uu ka soo baxo Waxsoosaarka ugu badan Deegaanka Dhanka Qamadiga,Sareenka, Galayda, Hadhuudhka iyo Heeda.

Waftigan ayaa ugu horayn booqday Goob uu Xafiiska Beeraha Degmada Tuli ugu talogalay Fal-tusaaleed loogu talogalay in ay Beeralaydu ka faaiidaystaan habka Beerista Casriga ah iyo Habka loo abqaalo Midhaha Xulka ah ee leh tayada Waxsoosaarka Saracyada iyadoona uu ka wanaagsan yahay kana tayo fiican yahay hababkii Hore iyo Dalagyadii soo bixi jirayba.

Faltusaleedka oo Ay Sameyeen D.A Yada Xafiiska Beeraha Ee Degmadaasi Tuli-Guleed Oo La Kaashanaya Xafiiska Xoolaha Beeraha Ee DDSI ayaa Xulka Ama Shinida “Seed” Ay Tahay Mid Ka Wanaagsan Abuurkii Hore Ay U Beeran Jireen Beeralayda Tulli-Guleed midhahan xulka-tayaysan iyadoonaUu Yahay Midka Dhega Fudud Bixitaanka Xiliyadii hore islamarkaana Wakhti Koobana Ku Bislaada Sida Ay Halkaasi sharax kaga bixiyeen xirfadlayaasha Shaqaalaha Xafiiska Beeraha Ee Degmada Tuli-Guleed, Sidoo Kale Waftigani Uu Hogaaminayey Wasiirka Xafiiska Xoolaha Beeraha Iyo Horumarinta Reer Miyiga Ah Ee DDSI Ee Uu Ku Wehelinayey Wasiiru Dawlaha Beeraha Ee JDFI Iyo Masuuliyinta Kala Duwan Ayaa waxay Booqasho