Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maalinta Baroordiiqda Xasuuqii,uurkutaaladii iyo Walaahawgii UBBO ay Baday Shacabka Deegaanka oo Deegaanka Si Wayn Looga Xusay(Walaal La Wadaag Murugada iyo uurkutaalada UBBO Ay Baday Shacabkaaga).

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis Novembar 14,2013.Shaki kuma jiro in aynu ka wada dheregsanahay Murugada,uurkutaalada,Dibindaabyada iyo Dibindaabyada ay UBBO dhaxalka aan waligeed ka ba'ayn Qalbiyada Boqolaal Qoys oo ka kooban Caruur iyo Dumar aan waxba galabsan ku beereen markhaati aan duugoobayna uga dhigeen indhahooda in ay kaga bogtaan Natiijada cadaawada ay aabahood,hooyadood ama walalahood hortooda si ula kac ah Qudha uga jaraan,ku faraxumeeyaan,ku gubaan ama ay ku naafeeyaan.

Dhacdooyinkan-Ugubka ah ee Waxashnimada UBBO ayaa Ubad soo korayay ay qalbiyadoodii Dhaawac la factirsan doona cimrigooda u gaysteen Qalin-shubatada ka ganacsatada Dhiiga shacabka Deegaanka UBBO sida Dadka reer Heroshima iyo nagasaka ee dalka japan Dhaawacyadii ka soo gaadhay Qumbuliyadii lala beegsaday Dagaalkii 2aad ee Dunida.

Hadaba waxaa galinkii danbe ee maanta oo ay Taariikhda tirsiga Dalka itoobiya ahayd Bisha Hidar 5teeda laga wada xusay Maalinta baroordiiqda xasuuqii ay UBBO dhaxalsiisay ama raadka Naafaynta Qalbiyadooda ku reebtay Kumanaan isugu jira Dumar,Dhalinyaro,Waayeel iyo Caruur aan waxba galabsan Goobjoogna u ahaa markii ay Dhacayeen Masiibooyinkan Murugada badan ee UBBO kula kacday Waalidiintood iyo walaalahood.

Baroordiiqdan oo ka dhacday Hoolka shirarka SMCX ayaa ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin Sare oo ay ka mid ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka DDSI ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,Wasiirka Xafiiska Guud ee Kobcinta iyo Maamulka Shaqaalaha DDSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,Wasiirka Maamulka DDSI Mudane C/casiis maxamed Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI, Odoyaal- dhaqameedka,Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka,Masuuliyiin kale,Caruurta Ay waalidtireen UBBO ee ku xaraysan Dugsiga Hoyga JJ,Waalidka Baaqiga u ah Qoyska iyo Qaybaha Shacabka.

Dhanka kale Baroordiiqdan ayaa Qalbi xanuun,uurkutaalo iyo Murugo ku abuuraysay Qofkastoo Goobjoog u ahaa in ay Dhagihiisa Dhimbiil dab ah ku noqdaan Dhibaatooyinkii waxashnimo ee ay UBBO u gaysatay Shacabka iyadoona ilmadu hibiqtilaynayso ay ka waramayeen Dadkii ay UBBO u gaysatay Xasuuqa, Kufsiga, Gubida, Dhaca,jarjarida Xubnaha Taranka iyo dadkii ay Dhaawacyada aan Maarayn loo helay ama Dawoobayn ee ay UBBO qalbiyadooda ku beertay Kana irdhaysan Bulshada kuwaasoo u badan Caruur.

Sanadkii tegay mar ay Dhamaanba Qaybaha Bulshada 9ka Gobol iyo 68da Degmo ee Deegaanku ka kooban yahay ay isugu yimaadeen Baroordiiqdii ugu horaysay ee Deegaanka ka dhacda ayaa loo aqoonsaday in Maalintan Dhamaanba Qalbiyada Shacabweynaha Deegaanka meel kasta oo ay joogaanba ugu baroordiiqaan dadkii ay Raadka kaga tageen Xasuuqii,Kufsigii,Dhacii iyo Dibindaabyooyinkii ahliga ahaa ee UBBO u gaysatay.

Waxaad Kala socotaan Muuqaal ahaan Dhacdooyinkan Muragada leh ee Muraaradilaaca kugu Ridaya Telefishanka ESTV.