Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Roobab Mahiigaan ah oo Maasheeyay Dhamaanba Gobolada Deegaanka.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce Novembar 15,2013. Waxaa wayadanba ka da'aya Dhamaanba Deegaanka Roobab laxaad leh oo Maasheeyay Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka uu ka kooban yahay Deegaanka soomaalida Itoobiya walow aan ilaa iyo eega aynan wax qaylo-dhaan ah ka soo yeedhin dhanka khasaaraha.

Ma jiraan ilaa iyo hada wax khasaare ah oo uu u gaystay Dad iyo Duunyaba marka laga reebo Daadad xoogan oo meelaha qaar biyo fadhiisi ka dhigtay halka ay Dhulka Qaar jeex-jeexyo u yeeleen.

Dhawaan Roobab Mahiigaana Watayna sida lagu soo waramay Dabaylo iyo Duufaano ayaa ka da'ay Maamul-Goboleedka Puntland halkaasoo uu khasaare laxaad leh oo Naf iyo maalba leh uu u gaystay Shacabka Reer Puntland Xukuumada DDSI oo uu Madaxweynaha Deegaanku ugu Horeeyo iyo Hogaaminta Dhaqanka DDSI ayaa Tacsi Tiiraanyo leh u Diray Maamulka Puntland iyo Shacabka masiibadu la soo deristay islamarkaana ku baaqay Gurmad iyo Gargaar in lala gaadho Shacabka ay halakaysay Masiibadani.

Masiibadu waa mid Duxda Damqaysana damiirka Qofkastoo ay Dhegihiisa ku soo dhacaan amaba Goobjoog u ah Waanuna ka Xunahay Dhibka Walaalahayo Reer Puntland Soo gaadhay Balse Qadarka Alle ayay ka ahaatay.