Heerka Xamaasada iyo TaageeradaCiyaarta Xulka Qaranka Itoobiya oo Si Weyn Looga dareemayo Magaalada Jigjiga.

waxaa si aad u wayn looga dareemayaa magaalada Jijiga xiisaha iyo xamaasada ay u qabaan dhamaanba qaybaha bulshada (Saqiir iyo Kabiir) ciyaarta goor dhow ku dhexmari doonta xulka qaranka Itoobiya iyo xulka qaranka Nayjeeriya garoonka kubada cagta ee ku yaala wadanka Nayjeeriya.

Magaalada Jijiga ayaa maanta kuwada labisan Garamada Maaliyaaga u ah xulka kubada cagta DFI ee WALIA, isla markaana tiigsanayay ama sugi kari la'aa xiliga ay ciyaartu bilaabmi doonto ayaa Daqiiqado ka hor Sawaxanku isqabsaday Jigjiga Markii Ciyaartii Bilaabmatay.

Isku soo wada soohoo dhamaan shacabka kunool Itoobiya gaar ahaan DDSI ayaa kalsooni wayn ku qaba ciyaartoygooda kadib markii ay ciyaar qurux badan kusoo bandhigeen lugtii Koobaad ee bishii hore ee aynu soo dhaafnay ee lagu ciyaaray Magaalada Addis Ababa.