Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maalinta baroordiiqda xasuuqii iyo gumaadkii ay UBBO u gaysatay shacabka oo siwayn looga baroordiiqay degmada Goday.

Waxaa siwayn looga baroordiiqay xuska maalintii xasuuqa ba’an ay bulshada deegaanka u gaysteen Duulkii Rogmaday ee lagu magacaabi jiray UBBO oo muddo 3 sanno ka hor ka dhaq-dhaqaaqi jiray deegaanka kuwasoo bulshada deegaanka baday hagardaamo,Xasuuq aan loo aaba yeelin,Dibindaabyo,Kufsi Dhac iyo Meel kadhac sharafeed.

Waxaa hubaala in aynu dhamaanteen wada ogsoonnahay in deegaankeena ay ka jireen Qawlaysato lagu magacaabi jiray UBBO kuwaasoo si wayn ugu gaystay shacabka Gumaad,Dhac,Kufsi iyo hagardaamo ay xadgudub biniaadanimo iyo tacadiyo ba’an ugu gaysteen Bulshada lidna ku ah xuquuqda binuaadamka.Goobaha aadka ay UBBO u waxyeelaysay ayaa waxaa ka mid ahaa meelaha ay sida wayn ugu xasuuqeena shacabka gobolada fiiq, dh/buur,qoraxey,wardheer, jigjiga iyo goday.

Hadaba iyada oo maanta siwayn looga wada xusay deegaanka xuska maalinta baroordiiqda oo ku beegan hidaar 5teeda ayaa Wariyahayaga ku sugan Gobolka Shabeele uu noo soo tebiyay in si wayn looga xusay degmada goday ee gobolka shabeele munasabadaasi baroordiiqda ah oo lagu qabtay santarka barsan oo qiyaastii 10 km u jira magaalada goday ee xarunta gobolka shabeele iyadoona ay ka soo qaybgaleen sida wariyuhu sheegay baraarqiiqdaasi masuuliyiinta degmada oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada mudane siyaad ahmed cawaale,masuuliyiinta gobolka oo uu ka mid yahay madaxa arimaha xisbiga ee gobolka shabeele mudane yuusuf shacabwaynaha ku dhaqan degmada odayaasha iyo culima’udinka degmada..

Warka ayaa intaa ku daraya in dadkaasi ay soo xidheen dhar cad-cad qaarkoodna ay madaxa ku soo xidheen maro-cad oo ay ku muujinayeen murugada iyo uurku-taaladdii arxan la’aaneed xasuuqii iyo caruurtii agoonnimada ay badeen UBBO ay ku muujinayaan islamarkaana ay wajiyadooda ka muuqatay murugo iyo tiiraanyo dadkii xasuuqyadaasi foosha xumaa loogaystay. Maamulka ayaa sheegay in ay Goday ahayd meelaha ay Sida arxan la’aaneed xasuuqa iyo kufsiga UBBO ugu gaysatay kana mid ahaayeen Qawracii 120 oday,Kufsigii Hadhaawe iyo gaboodfalo Hurinaya Qalbiyada Dadkii iyo Caruurtii ay UBBO dhaxalga uga dhigtay.

Intaasi ka dib ayaa waxaa ka hadlay halkaasi dadkii ay xasuuqday UBBO balse ilahay ka bad baadiyay waxaana ka mid ahaa oday aad u wayn oo ka waramay dhibaatada ay u gaysteen ayaa waxa uu sheegay in ay maalin maalmaha ka mid ah gurigiisa ku soo waarartay UBBO inan uu dhalay ku horgawraceen isagana isagana ay mayd ahaan uga tageen balse ilahay ka bad baadiyay Dhankooda waxaa iyaguna ka hadlay baroordiiqdaasi qaarka mid ah suldaanada degmada oo uu ka mid ahaa suldaan maxamed wuxuuna sheegay sida baahsan ee ay UBBO dilootay shacabka deegaanka xasuuqyada badan ee ay gaysatay wuxuuna sheegay in deegaanka hada ay xukuumadani ku guulaysatay in siwayn looga sifeeyo UBBO ku haysay shacabka gumaadka iyo xasuuqda baahsan.

Dhankooda waxaa iyaguna ka hadlay halkaasi qaarka mid ah culimada degmada shaaciyay waxay diinta islaamku ka qabto kuwa xalaalshaday dhiiga shacabka islaamka ah xasuuqa dhaca kufsiga kuwa ay agoonta badeen waxayna sheegeen kuwaasi in ayna caarad ka soo galin diinta islaamka oo ah diin nabadeed.