Raggna Qoomiyado Ayay Shirinayaan Ubbo-na qabiilkeedii bay gumaaday!

 

                                                                                                                                                 By Gh Wiilwaal

 

 

 

 

 Gh Wiilwaal iyo Seble ganacsato ka soo jeeda qoomiyeda Amxaarada

 Maalmaha ina soo haya waxaa Caasimada Deegaanka ee magaalada Jigjiga lagu qaban doonaa Munaasabad Balaadhan oo loogu dabaaldagayo xuska 8aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya.

Sida la wada ogsoon yahayna waa markii ugu horaysay ee taariikhda lagu qabtay gogoshana ay dhigtay dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Haddaba maqaalka oo isagoo intan uu ka koobnaa aan afka ingriiska ku qoray ayaa wuxuu igu dhashay kolkii aan u fiirsaday kala fiicnaata iyo waliba faraqa u dhaxeeya raggaa qabka iyo Qaranimada Hogaaminta Shacabkooda sheegtay ee  qoowmiyadaha,Madaxda ugu saraysa Federaalka,Safaaradaha,Diplomaasiyiinta,Ergooyinka Beesha Caalamka iyo wadamada Gobolka shiriniya iyo nabadiidka qabiilkiisii xitaa gumaadaya iska daa nafle kale oo uu wax u ogaalaadee ama wax u qabtee....ilaahay amarkii.

Ubbo iyo nabadiidka yar ee duurka ku sii hadhay ha ii danbaayaane waxaan rabba inaan markan wax ka idhaahdo Doorkayga maalintaa xusida mudan ee Fooda inagu soo haysa Maalmahan muhiimada ay Guud ahaan Xukuumada iyo Shacabka DDSI u leedahay: waxaa casuuman oo Jigjiga ku soo fool-leh maalintaana marti inoogu Xarunta Deegaanka Dhamaanba qoowmiyadaha qaranka aynu wada-wadaagno oo ay ka mid yihiin Hararida,Oromada, Amxaarada,Canfarta, Tigreega, Beenshaangul, Gaanbeela, iyo sidoo kale reeraha isbahaysiga ah ee Southern Nations-ka la isku yidhaahdo(Debub), kontan beeloodna kor u dhaafay ayna ka mid yihiin  Walayto, Siidaamo, Kambaato iyo Dambaaro, Guraage, Siltde, Daawro iyo qaar kale oo aan dan-wadaag iyo dal-wadaagba nahay.

Dadyawgaas aan soo tiriyay ee Muslim, Masiixi iyo dad Diimo-dhaqaameed u gaar ah wata isugu jira, kuligoodna kala afka iyo luuqada ah ayaa kol dhow caasimada deegaankeena laga filayaa anaaba og aad baa loo feestayn doonaaye.

 
   

 

 Majaajileyste Gh Wiilwaal oo la ciyaaraya koox Oromo ah (Source: Youtube)

Wali waan araranayaaye, hordhica maqaalka intaan ka soo dhaadhicin waxaan rabaa inaan si guud ugu yara hadlo DIVERSITY-ga waxa afka qalaad lagu dhaho, af soomaalina anaaba og waa la’i sixi doonaaye la oran karo “isku dhafnaanta dadyawga kala dhaqanka ah Ama kala Duwanaanshaha.” Taariikhiyan magaalooyinka adduunka wax ka noqday sida Rome, Alexendaria,  London, New York iyo Torontadii aan ka imidba waxaa isuga tagay oo wax ka dhigay dadyow kala duduwan ayna ka dhaxayso xeer-dawladeed oo lagu heshiiyay iyo danwadaagnimo.

Sidoo kale socdaalkan aan Afrika ku imid intaan soo socday waxaan soo maray Switzerland, wadan yar  oo todobo madaxwayne leh, afar afna looga hadlo, saasooy tahayna ka mid ah dalalka hormumarka iyo HARMONY-iga ay ka jirto.

Waxaan ka wadaa nafluhu sidii ubixii wuxuu ku qurux badan yahay kolkay kala duwan yihiin, sida Itoobiyada maanta aan arkayna ee soo ifbixisay Heerka isjacaylka iyo Midnimadooda walaalnimo iyadoo wax la isku ogol yahay wadana la wadaagayo.

In wax la isku ogalaaday, oo waliba inagu xaqeennii aan helnay, saamina aan eegga rabno, waxaadba ka garan su’aal Itoobiyaanka kale aalaa ina waydiiyaan kolkii suuradeena laga dareemo in Soomaali isirkeenu yahay---taasoo ah: “waryaa adiga Ma Soomaali itoobiyaawi baad tahay mase reer-muqdisho” halkaas waxaa ka cad oo xitaa ciyaalka xaafadu in ay qiriyaan murankiina ka baxday mawaadinimada qofka DDSI u dhashay iyo in dhulka baaxada lehee 80 milyan ku noolyihiina uu naga wada-dhaxeeyo wakhti-xaadirkana Muran iskadaaye aynuba Itoobiya Hormuud u nahay.

Sayid-Maxamedka taaladiisa munaasabadan awgeed hadda iyadoo horleh Jigjiga laga taagay ayaa waxaa tixihiisii caanka ahaa ka mid ahayd: “Ciiloow ba’aay talo xumaan cudurka ka waynaatay”.Ina Cumar Cismaan iyo caamadiisu labiyo labaatansano ayay tolkood talo-xumaan ku tacadiyaan, aakhirina la aadeen iska daa wax ay taraane.

Madaxwayne Cabdi Maxamed Cumar iyo raggiisana labo sano  wax aan ka sii buurnayn bay dadkeena karaamadiisii iyo sharaftii maqaamyada ku soo wada cesheen waana sababta  maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta oo ah mid ka dhaxaysa Itoobiya dhamaan doorkan loogu loogu qabanayo deegaankeena ka dib markii la wada garwaaqsaday isbedelada Horumarineed ee xawliga uga hano Qaaday 3sano wax aan gaadhin iyo xasiloodida salka loo dhigay.

 Haa..waa halkii gabaygii Qamaan Bulxan ee ay murtidiisu ahayd waa: “kolkii farasku kula gaabiyay een gagida kaa qaatay, gam inaad tiraahdaan rabay oon cali garaaxaaye.” Marka aan idhaahdo Ubbo Shaqsiyaadka ka soo hadhay hadda waxaa u eg ama la gudboon inay iska aamusto, shacabkooda baal ka raacaan  ayna Ganacsigoodii gafka iyo gumaadka ka dayso.

Saasoo ay tahay anagu kuma lihin jigjiga waa Geneva oo waan la soconaa xukuumada iyo shacabkaba wali shaqaa u taala balse waxaa marag ma doonto ah DDSI inay maanta wado saxa ku joogto deegaankana ilaahay baa runta nagu jecele rag baa u kacay balse horaa loo yidhi il-Ibtilaysan ayaa Balaayo Tilmaantee raga Mashruucoodii Gudhay Dhaan dabangaale.

Waxay taariikhdu qori doonto maantana aynu marag ka nahay jiilal soo socda iyo kuwii tagayna aan jeclaan lahayn inay nala ogaadaan--- haddaan soo kobo tabtan baan u dhigi lahaa: raggna DDSI bay qoowmiyado ku shirinayaan Ubbana shacabkeedi bay wali gumaadaysaa ama u sii hanqal taagaysaa!!!

                            

Koleey aniga qorshaha iiguma jirto sababa igu kalifaysa inaan ka baaqdo munaasaba maalinta Jigjiga lagu balamay ee loo dabaabdagayo Xuska 8aad ee maalinta Midnimada qoowmiyadaha iyo Walaalnimada shucuubta itoobiya anaaba og inaan masraxa si LIVE ah ku daawan doono baalna ka raaci doono la jaanqaadka ciyaarihii hidaha iyo dhaqamada dadyawyga aan daris-walaalownay, dhaantadeenuna dabcan meeja kama maqna oo Yartii Dheerayd baaba iisii muuqata.

 

                                 DHAMAAD