Dhamaan Xubnaha Jaaliyadda DDSI ee Dalka Qatar iyo Safaarada DFI ay Ku Leedahay Dalka Qadar oo Isugu Yimid Shir Lagaga Arinsanayay Badhi-gantaalida Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban.

shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan dadwaynaha noocyadiisa kala duwan sida, Odayaasha, Culimaa'u diinka, Cuqaasha, dhallinyarada, ganacsatada, iyo aqoonyahanno deegaanka u dhashay. warbixin kooban oo ay soo jeediyeen

Gudiga Jaaliyadu kadib, waxaa war bixin waafi ah oo meel walba taabanaysa bixiyay Dr. Faysal oo kamida aqoon yahannada u dhashay deegaanka ee ku dhaqan dalka Sucaadi Carabiya.Faysal ayaa dadwaynaha warbixin aad u deeqday ka siiyay horumarka deegaanku ka gaadhay dhanka wax barashada, caafimaadka, dhaqaalaha, Nabadgaliyada iyo dhamaan dhaqdhaqaaqa horumarineed ee ka socda deegaanka.

Dhanka kale Dr. Ibraahim dheere oo ahaa martida ugu culus ee jaaliyada kala qayb qaatay shirkan ayaa isaguna ku dheeraaday sida uu deegaanku guud ahaan ugu guulaystay himilooyinkiisii iyo qorshayaashii u daganaa sannadihii 2005ta ETC digtoorku wuxuu dhanka kale shacabka ku dhiiri galiyay inay ka faa iidaystaan fursada qaaliga ah ee ay maanta haystaan dadkooda iyo deegaankoodana uga faa iideeyaan, dadwaynihii shirka kasoo qayb galay ayaa si aan la qiyaasi karin ula dhacay warbixintii ay ka soo jeediyeen (dhiibeen) shirkan Aqoonyahanka iyo masuuliyiintii martada u ahayd.

ugu danbayntii waxaa hadly Xoghayaha Guud ee Safaarada DFI ee Dalkan Qatar Ato Melese Bissare.mudanuhu wuxuu aad usoo dhaweeyay una amaanay sida hagar la'aanta ah ee ay ugu heellantahay horumarinta dadka iyo deegaankaba wuxuuna aad u amaanay shir jaaliyadeedka qurxoon ee ka dhacay hoolka shirarka ee Safaarada DFI ee Qatar. shirka ayaa kusoo gaba gaboobay farxad niyad wanaag iyo sidii uu qof walba qayb qaadan lahaayeen horu marinta Dalkooda hooyo..