Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kolanyo Baabuur oo ay Saarnaayeen Shixnado Qalabka Biyo-Galinta Magaalada Jigjiga oo Ka Yimid Ka Yimid Dalka Shiinaha ayaa Isa Soo Tubay magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews)Ka sakow Diyaargarawga balaadhan ee ay Xukuumada iyo Qaybaha shacabku ugu jiraan Martigalinta Xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo shucuubta ee laba todobaad ka dib lagu balansan yahay caasimada Deegaanka waxaa dhanka kalana halkiisii ka sii socda qorshayaashii horumarineed ee ay Xukuumada DDSI ugu talogashay in ay wax kga Qabato daboolida Baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada Deegaanka iyadoona 1aad,2aad iyo 3aadba siisay sidii ay Dhanka Biyaha Deegaanka kuwa dhulka hoostiisa ku jira,kuwa Wabiyada iyo Biyaha cirkaba ugaga faaiidayn lahayd Bulshada si ay uga haqab beelaan Dad iyo Duunyaba Biyo nadiifa.

Sidoo kale Xarunta Deegaanka ee Magaalada Jigjiga Oo Ay si garbasiman uga Socdaan Dhaqdhaqaaqyo Xawli Ah Oo Lagu Horumarinayo Kor u Qaadida Bilicda Iyo Quruxda Magaalada Madaama Oo Lagu Gudo Jiro Soo Dhaweynta Xuska Malinta Qawmiyadaha 29ka Hidhaar oo markii 8aad ka dhici Doona Xarunta DDSI. Hadaba waxaa soo cagadhigtay Magaalada Jigjiga Shixnado ka Tuubooyinka Biyo-galinta Magaalada Jigjiga oo ka soo shiraacday Dalka Shiinaha iyadoona ay kolonyada baabuurtani dawaali uga soo qaadeen Shixnada Dekada jabuuti.

Kolonyadan Siday Shixnada Qalabka Biyo-galinta magaalada Jigjiga oo ka koobnaa in ka badan 30 Gawaadhida waawayn ee Xamuulka ayaa hord hac u ah in ka badan 100 Baabuurta xamuulka ah oo Sida Tuubooyinka Biyo-galinta Xaafadaha Magaalada Jigjiga irkada Qandaraaskan ka qaadatay Xukuumada oo laga leeyahay Dalka Shiinaha ay ka soo Daabuleen Isla Shiinaha.

Mashruucan Biyo-galinta magaalada Jigjiga oo ay Dejisay Qorshaheeda iyo Hirgalinteedaba lagana bixinayo Miisaaniyadeeda Isla Xafiiska Biyaha DDSI Qaybta Mashruuca WASH,iyadoona uu oo ay Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha Ee DDSI Uu Ugu Tala Galay In Uu Ku Bilaabo Mashruuci Biyo Gelinta Magaalada Jigjiga Madaama Oo Ay Tahay Xarunti Degaanka Iyadoo Tuubooyinkana Loogu Talagalayin Guud Ahaan Mudo 3 Bilood Ku Dhaw Gudaheeda Lagu Soo Afmeero Baahida Biyo La’aneed Ee Ka Jirta Magaalada Jigjiga.

Dhanlka kale Wakaalada Naqshadaynta,Daraasaadka iyo Dabagalka DDSI oo iyadu leh awooda Hirgalinta iyo dabagalka mashruucan ayaa uu wariyaha Cakaaranews wax ka waydiiyay Maareeyaha Wakaalada Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin Mudane Guuleed ayaa tibaaxay in uu Hirgalinta Mashruucani ka mid yahay Tiirarasha ugu waawayn Qorshayaasha Xukuumada DDSI Dhanka Biyaha,iyadoona la rabo in Mudo gaaban lagu soo afjaro Baahida Biyo la’aaneed ee ay Shacabka Xaafadaha Magaalada Jigjiga ka cabanayaan si ay uga haqab-beelaan Helida Biyo Nadiifa iyo Guri walba oo la gaadhsiiyo ayuu yidhi.

Maareeyaha oo sii wata hadalkiisii ayaa Carabaabay in Shixnadan oo ay wadaan ama ku raran in ka badan 100 gaadhi ay ka kooban yihiin Tuubooyinka waawayn ee Biyo-galinta Dhulka Hoostiisa la galiyo sWaxaana Magaaladan Jigjiga Kuwaasi Oo Aad U Tiro Badan Kana Kooban Inka Badan 100 Baabuur Oo Wada Tuubooyinka Waawayn Ee Loogu Talagalay Biyo Gelinta Magaalada Jigjiga l DCI Pipe Kuwaasi Oo Laga Soo Iibiyey Dalka China Islamarkaasina Wax Weyn Ka Qabandoona Baahida Biyaha Ee Xarunta Degaanka Somalida Itoobiya.

Mareeyaha Wakaalada Nashqadeynta ,Darasaadka Iyo Dabagalka DDSI Mudane: Guleed Aw Cali Aya A Sheeegay In Mashruucan Lasoo Gabagabeeyey Balse Keliya Ay Dhimantahay Gelinta Tubooyinka Goobaha Loogu Talagalay Taasina Mudo Kooban Gudaheeda Ay Ku Dhamaystirayan Mashruucanina Uu Yahay Mid Aad U Balaadhan Islamarkaana Uu Maalgeliyey Mashruuca Loo Yaqaano WASH Ee Ka Hawlgala Degaanka Somalida Itoobiya.