Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

La yaabka aduunka : Kaamarad maskaxda wax ka duubta oo lasoo saaray

Japan(CakaaraWorld)Waxaa la sheegay in Kamarado cusub oo ay soo saareen, injineero u dhashay dalka Japan, aaladan cusub ayaa ah mid ku shaqaynaysa awaamiirta Maskaxda ee qofka adeegsanaya, taas oo wixii uu maskaxdiisa ka doono u duubaysa.

Kamaradan oo sida ay ku warantay jariirada Times ee dalka Britain ka soo baxda, ay si gaar ah ugu fara yaraysteen, injineero u dhashay dalka Japan, waa mid si toos ah ula shaqaynaysa rabitaanka qofka, gaar ahaan mawjadaha awaamiirta bixiya ee maskaxdiisa, waxaanay awood u leedahay in ay deg deg u rikoodh garayso sawirada qofku doonayo ama si gaar ah isha ugu qabto.

Kamaradan oo loogu magac daray (Neurocam), waxa ay qofka uga baahan tahay in uu ku xidho madaxa ka dibna doorto, dhawr derajo oo kala duwan, oo ay farsamo ahaan qofka macluumaadka ugu duubayso, kuwaas oo suura gal ka dhigaya in qofku sawir ama muuqaal fidiyow ah uu duuban karo, isaga oo aan wax badhan ah qaban