Warbixin uu Bixiyay Gudoomiyaha Degmada Beer-Caano

Beer-Caano(CakaaraNews) Arbaco Nov-20,2013.Kaameerada fogaan araga-dheer ee shabakada cakaaraNews ayaa waxay booqatay degmooyinka ka mid aha gobolka shabeele gaar ahaan degmooyinka uu maro wabiga shabeele kana socdaan Mashruuca ka faaiidaysiga Wabiyada iyo Dooxooyinka ee sanadkii 2aad la dejiyay Qoysaska.

Haddaba si aan sawir guud uga bixino nimcooyinka dihin ee Eebe ku manaystay deegaanka iyo Qorshayaasha Xukuumada DDSI ee Udub-dhexaadka u ah ladagaalanka Saboolnimada iyo Cunto-yarida ayaa waxaa uu Wariyaha Camerada wareefta uu mar uu Booqasho ku tagay Degmada Beer-Caano oo ah Meelaha ay Gobolka Shabeele ka socdaan Maalgashiga iyo Mashruuca Dibudejinta Qoysaska ayuu Gudoomiyaha Degmada uu kula kulmay.

Beercaano oo ka mida Meelaha Wabiga Shabeele uu ka maro Deegaanka ayaa uu ilaahay ku manaystay Dhul Dihin,Hodan ah Bacrimintiisa Rabaaniga ahna ay sarayso carada Dhul-beereedka Mashruuca Waraabka Biyo-xidheenka Godey kana socdaan Hawlaha Waxsoosaarka Midhaha Dalagyada Beeraha,Mashaariicaha Naaxinta,xoolaha iyo Adeegyada Aas-aasiga ah. Haddaba degmadan beer caano oo ka mid ah 16kii degmo dhawaan ku soo beeray degmooyinkii hore ayaa waxay 45km gelbeed ka xigtaa magaalada Goday ee xarunta gobolka shabeele dadka ku nool degmadan waxaay dhan yihiin 50 kun oo ay 65% xoolo dhaqato yihiin halka ay 35% xoolo dhaqato beeralay yihiin, Wariyaha ayaa Gudoomiyaha Degmada Beer-Caano Mudane Cumar Sheekh Maxamed ayaa saxaafada u sheegay in Diyaargarawgooda Dhanka Xuska Hidar 29 uu sareeyo wadar ahaana Qaybaha Shacabka iyo Maamulkuba Maadama Degmadu ka mid tahay Goobaha lamahuraanka ah ee ay Wufuud kastaa soo booqato ayuu yidhi. Masuulkan ayaa Tibaxay in ay tahay degmo ay ka socdaan mashaariicaha ugu waawayn dalka itoobiya kuwaasoo ay ka mid yihiin Mashruuca-waraabka Biyo-xidheenka Beer-Caano oo hore loo odhan jiray mashruuca waraabka Galbeedka -Goday taas oo wabiga shabeele looga faa-iidaysanayo waraabint mashaariicaha kala duwan ee ka jira degmada beer caano.

Dhanka kale mar uu gudoomiyuhu ka hadlayay dhinaca dib u dajinta Degmada Beer iyo caano ayaa waxa uu sheegay in tirada dadka la Dajiyay dhan yihiin 11,904 (kow iyo toban kun sagal qobol iyo afar qoys) qoysaskaasi ayaa waxay hadda siwayn uga faa-iidaystaan ayuu yidhi dhinaca Wax-soo saarka Dalagyada Beeraha iyaga oo markii hore ahaan jireen Qoysaskani Xoolo-dhaqato kaliya ayaa hada waxay yihiin xoolo dhaqato beeralay leh Nolol Degan iyo Tayo Nololeed adeegyada aasaasiga ah loogu geeyo.

Sidoo kale Mar uu ka hadlayay dhinacyada horumarka iyo Kaabayaasha Dhaqaale Sida Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha,Jidadka,Isgaadhsiinta iyo ka faaiidaysiga Wabiyada iyo Dooxooyinka ayaa waxa uu sheegay in ay degmadu leedahay 11 dugsi-Hoose nooca AB, 4-Dugsi H/dhexe ah iyo waliba Hal-Dugsi sare ah, dhinac acaafimaadka ayaa waxa uu shegay in ay degmadu leedahay 14 Rug-Caafimaad iyo 3 xarumo-caafimaad (health post).

Gudoomiyaha waxaa kale oo ay magaaladu heshaa ayuu yidhi gudoom iyuhu biyo nadiif ah oo ah kuwa wabiga oo la nadiifiyay, dhanka laydha ayaa waxa uu sheegay gudoomiyihu in magaalad beer caano ay leedahay laydh 24 saacba ah waxayna ka heshay ayuu yidhi shirkad Setcom oo ah shirkada samaynaysa jidka isku xidha goday iyo iimay galbeed.

Dhanka khayraadka-Dihin ee ay hodanka ku tahay degmadu wuxuuna sheegay in ay siwayn oo aan kala golahayn iskaga soo daba dhacayaan maalgashadayaasha doonaya in ay maalgashi ku sameeyaan deegaanka gaar ahaan degmada beercaano kuwaasi oo iskugu jira maalgashadayaal u dhashay deegaanka iyo kuwa ka yimiday wadamad kaleba.

Isku soo wada duuboo degmadan beercaano ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ugu hodan san deegaanka kuna filaandoonta ka faa-iidaysigeedu haddii siday tahay looga faa-iidaysto guud ahaanba dalka itoobiya.