Tababar looga Gol-lahaa Sidii Raashinada Caawimada Ah ee Hay’ada WFP loogu badali lahaa Lacag Ay Ka Faaidaystaan Shacabka Deegaanku.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco Nov,20,2013.Waxaa lagu qabtay Magaalada Jigjiga Tababar ay wadajir u soo diyaariyeen Xafiiska Ka Hortaga Iyo U Diyaargarawga Masibooyinka DDSI iyo Hay’ada Cuntada Aduunka(WFP) iyadoona Tababarkan loo Qabtay Xubno laga soo xulay Maamulada 5 Degmo oo ay ka mid ahaayeen Degmooyinka Jigjiga, Godey, Dhanaan,Tulli-Guuleed iyo Degmada Birqod.

Tababarkan Ayaa ay Ujeedadiisu Ahayd In Masuuliyiinta Iyo Xubnahan Fahan Buuxa Looga Siin Lahaa Nidaamka Loo Mareynayo Lacagaha Tageerada Ah ha ahaadaan Kuwa Cadiinka(Cash) ka ah ama Kuwa Raashinada Maadaama Xukuumadu Dejisay Nidaamka Bulshada Loogu bedelayo Xoolo-dhaqato-Beeralay Xoogooda wax kula soo baxa si Dhaqaalaha iyo Heerka Nolosha Bulshada Deegaanka kor loogu soo qaado si looga baxo saboolnimada iyo Cunto-yarida.

Muhiimada laga leeyahay Raashinada Caawimada ayaa ah in Shacabka Danyarta ah ee la siin Jiray Raashinada Qaraamaadka ah ee Gargaar ahaan loo siin jiray in Qoysaska danyarta ah Loogu bedelo lacag Cadaan ah”Cash” si loogu abuuro Fursado Shaqo iyo Ilo-dhaqaale sare u qaada Heerka Nolol-maalmeedkooda iyo dakhliga Dhigaalka Qoyska ugana kaaftoomaan Caawimada Lugooyada ah ee ka hor istaagaysa in ay Xoogooda wax kula soo baxaan.

Hadaba Kulankan Ayaa Waxaa Ugu Horeyntii Ka Hadlay Wasiirka Xafiiska Ka Hortaga Iyo U Diyaargarawga Masibooyinka DDSI Mudane: Faatax Maxamed Faatax Oo Sheegay In Hindisahan lagaga samato-bixinayo Bulshada Gargaarka gacanta laga siinayo ee Naafeeyay Koritaanka Meertada Nololeed ee Qoysaska Danyarta ah iyo ka faaiidaysiga Muruqooda iyo Maskaxdooda ay wax kula soo bixi lahaayeen ayaa ay Xukuumada iyo WFP barnaamijkan Hirgalintiisa u qaadatay 5tan Degmo Laguna Sameyn Doono Tijaabo Si Loo Eego Faiidada Ay Bulshada U Leedahay In Raashinkii Lasiin Jirey Loogu Bedelo Lacag “Cash”.

Intaasi Kadib Ayaa Waxaa Isna Madashaasi Ka Hadlay Wakiil Ka Socday Hay’ada WFP Oo Sheegay In Barnaamijkani Uu Yahay Mid Cusub Oo Si Tijaabo Ahaana La Rabo In Lagu Eego Hirgalintiisa Bilowga ah 5tan Degmo ee la soo xulay. Tababarkan ayaa ay Qaadanayeen Gudoomiyayaasha 5tan Degmo,Madax-xafiiseedyada Maaliyada Degmooyinka ,Madaxda Xafiisyada ka hortaga Masiibooyinka iyo u Diyaargarawga iyo Khabiiro ka kala socday Degmooyinka iyo Heer-Deegaan.

Isku Soo Wad Duuboo Hirgalka Barnaamijkan Tijaabada ah ayaa Noqon doona mid meesha ka saari doona Hamigii badnaa ee loo qabay kutiirsanaanta Raashino Wadamo kale ka soo baxa korna u qaadi doona in ay bulshadu dhdhansadaan Waxsoosaarka ay Xoogooda kula soo baxaan waana mid ka mida Tiirarka Qorshayaasha ugu waawayn ee ay Xukuumada DDSI rabto in ay Wax ka bedesho Heerka Dhaqaalaha ama Meertada Nololeed ee Bulshada.