Madaxweynaha DDSI oo Maanta Si Rasmi Ah Xadhiga UgaJaray Taaladii Sayid Maxamed Cabdule Xasan.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce Nov,22.2013.Waxaa maanta Dib loo wada Xasuustay Taariikhdii iyo Halgankii aan Duugoobayn waligii ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan Ka dib Markii uu Maanta Xadhiga Si Rasmi ah uga Jaray Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Taalada Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo laga Dhex Qotomiyay Wadada Wayn ee Badhtamaha u ah Magaalada Jigjiga Tubnaayeena Dhamaanba Masuuliyiinta Xukuumada,Marti-sharaf iyo Qaybaha Bulshada. Goobta

Taalada oo Si Heer sare ah loo Qurxiyaya ayaa ay ku soo xoomeen Dhamaanba Qaybaha Shacabka Magaalada Jigjiga,islamarkaana uu biliglaynayay Flashka Cameradaha halka Dumarkuna ay Mashxarad Muuso iyo Xasuus Qiiro Huwan ay daqiiqad kasta ku dhufanayeen.