Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waan u Damaashaadaynaa Xusuusta Geesigii Daraawiisheed Daqiiqad Kasta.

Waxaa Caawa aan marna aynan Dadka iyo Baabuurtu ka Faaruqin Goobta Taalada Geesigii Qarniga ahaana Hogaamiyihii Askumay Ciidankii Daraawiisheed ee Raadka wayn kaga tagay taariikhda dawladihii reer yurub ee Dagaalkii 2aad ka Dib ku habsaday Qaybsiga Afrika Halyeey Sayid Maxamed Cabdule Xasan.

Dhismaha Taalada Sayidka ee laga taagay Wadada Halbawlaha u ah Magaalada Jigjiga ayaa loogu Magac Daray wadada kali taasoo muujinaysa in wadadan wayn ee laga taagay sayidka ay ku fadhido ama xanbaarsan tahay 2 Magac oo taariikh wayn u leh Deegaanka oo ah halyeygii SMCX iyo Goobta Caanka ah ee KALLI oo ku taal Degmada Dhanaan ee Gobolka Shabeele.