Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ugaas Xasan oo leh Hambalyo Taaladii Halyeyga Afrika oo jigjiga laga Taagay

Ugaas Xasan Ugaas Mohamed C/salaam oo Ka Mid ah Qurbajoogta Ku Dhaqan Ingariiska oo Hambalyo u Diraya Shacabka DDSI iyo Dhamaan Africa Taaladii Taariikhiga Aheyd oo Nasiib U Yeelatay Caasimada Dowlada Deegaanka Somalida Itoobiya in laga Taago Taasoo Aad Loogu Faraxay Dhamaan Dadka Afsomaliga Ku Hadlo.

Waxaa Mahad Iska Leh Eebo waxaan ugu Mahad Celineynaa Xukuumada Somalida Itoobiya oo Soo Nooleysay Taariikhdii Deegaanka uu Lahaa iyo Dhaqankii Deegaanka Caanka Ku Ahaa oo Soo Ifbaxayo Maalinta Maalinta ka Dambeysay Mustaqbalka Dhow Caasimada Deegaanka Somalida Itoobiya Ee Magalada Jigjiga Ayaa Noqon Doonda Goobaha Caalamka U Soo Dalxiiso Taaladii Hogaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ahaa Halyeey u Dhashay Deegaanka Soomaalida Itoobiya kuna dhashay laguna Aasay Iimey.

Ra'iisal Wasaarihii hore Itoobiya Meles Zenawi oo ka warbixinayay taariikhda ay leeyihiin dadka Qowmiyada Soomaalida ayaa sheegay in shacabka Soomaalidu uu yahay shacab dhiiran oo geesi ah oo soo maray halgan ku dayasho mudan.

Wuxuu Ra'iisal Wasaarihii hore Itoobiya Meles sheegay in Sayid Maxamed Cabdule Xasan lagu tilmaami karo Aabihii Halgamada Qaarada Afrika. "sayid Maxamed Cabdule Xasan oo reer Galbeedku u yaqaanaan "The Mad Mullah", wuxuu ahaa geesi, gabyaa, xaq u dirir ah oo u dhashay Degaanka Soomaalida". ayuu yidhi Mudane Meles Zenawi.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxaa uu Ra'iisal Wasaarihii hore Meles uu sheegay "Ilaa iyo wakhtigan casriga ah waxaa laga amakaagaa mucjisana ah, aftahanimada, xeel dheerida & garaadka uu lahaa Sayid Maxamed Cabdule Xasan.gabayadiisa oo luqado badan lagu tutjumay ayaa daafaha dunida oo dhan laga wada yaqaanaa".

Wuxuu Ra'iisal Wasaarihii hore Itoobiya Meles uu sheegay in loo baahan yahay in la dhawro taariikhda & hidaha Shacabka Degaanka Soomaalida.