Barnaamijka Maareynta Nolosha Qoysaska Reer-Guuraaga ah(House Hold Economic Approach).

Waxaa Deegaanka laga bilaabay Mashruuc ay maalgalinayso Hay'ada USAID) oo ay Qayb ka yihiin Fulinteeda hay'ada latalinta Green Professional iyo Mercy Crops oo dadka reer-guuraaga ah Noloshooda iyo Dhaqaalaha Qoyskooda kor loogu soo qaadayo.

Sidoo kale barnaamijkan ayaa Reer-guuraaga Suuq u raadinaya Xoolahooda si ay Bulshadu uga helaan koboc Dhigaal Dhaqaale iyadoona ay Deeq-bixiyayaashu Bulshada siinayaan lacago cadaan ah oo ay ku shaqaystaan.

Fulinta mashruucan ayaa ay Qayb ka tahay Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI iyadoona ay Daraasaadkeeda Wadajir uga qaybqaadanayaan maaliyada,USAID,Jaamacada JJ,ardayda iyo Shaqaalaha Heer-Deegaan