Aniga iyo FA khilaaf Nama Dhex-yaalo :Macalin Wenger

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa beeniyay inuu ka cadhooday xiriirka Kubadda-Cagta Ingiriiska (FA) ka dibdhaawaca soo gaadhay cayaaryahanka Arsenal Jack Wilsere iyo inta uu ka maqnaa kulamadii heer Caalami.

Macalin Wenger ayaa saxaafadaha Ingiriska ku dhaliilaay inay buun-buuniyaan waxaan jirin iyo warar kutiri kuteen ah isagoo sheegay in Jack Wilshere uu dhaawacii soo gaadhay sahlanaa kana soo kabtay lana filayo inuu maalmahan cayaaro u soo safto,isagoo ganafka ku dhuftay inaysan jirin talo FA ay ku siiyay in Jack uu muddo sii nasto